HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO


310 views

Maxaa muhim ah kulanka Chelsea iyo Arsenal yaase lagu soo bilaabi doonaa?

Waxaa Qoray:


Kulanka Super Sunday ayaa galabta ka dhici doona garoonka Stamford Bridge ee galabta magaalada London .

Ciyaartaan oo loo yaqaano London Derby ayaa dhex mari doonta kooxaha Chelsea iyo Arsenal oo ah labada koox ee ugu quwada weyn magaalada London .

Chelsea

Kabtanka kooxda Chelsea John Terry ayaa lagayaba in lagu soo bilaabo ciyaartiisii ugu horeysay tan iyo bishii November ee sanadkii tagay.

Terry oo keydka kuu soo bilaawday kulanka Stoke ee asbuucii tagay ayuu tababare Rafa Benitez sheegay in uu ku soo bilaabi doono ciyaarta galabta .

Labada wiil ee reer Nigeria John Obi Mikel iyo Victor Moses ayaa ka maqan ciyaartaan iyagoo wadankooda umatalaya koobka qaramada Africa .

Xidiga khadka dhexe ee wadanka Spain Oriol Romeu iyo xidiga Isreal Benyoun ayaa dhaawacyo uga maqan kooxda The Blues .

Arsenal

Kooxda The Gunners ayaa dib uheli doonta daafaceeda Laurent Koscielny kaas oo ku maqnaa hal kulan oo ganaax ah .

Arsenal ayaan wali helin Mikel Arteta iyoTomas Rosicky oo labaduba dhawacyo qaba.

Weeraryahanka kooxda Arsenal Gervinho ayaa ka maqan ciyaarta galabta isagoo ka qeyb galaya koobka qaramada Africa.

Maxaa muhiim ah

Tababare Rafa ayaa faqiir ku ah kulamada guriga Chelsea tan iyo markii xilka lo dhiibay ,waana mid caawineysa Arsenal.
Waxaa yaab ah in ay labada koox 75 jeer ku wada ciyaareen garoonka Stamford Bridge oo sadexda afna ay siman yihiin micnaha badis min 25 jeer bar bar dhacna 25.

The Gunners ayaa 5-3 ku adkaatay ciyaartii ugu dambeysay oo ay booqatay Stamford Bridge bishii October 2011,waxaana ciyaartaas xidig sare ka ahaa Robin van Persie .

Chelsea ayaa adkaatay 12 jeer 24-kii kulan ee ugu dambeysay oo ay la ciyaartay Arsenal dhamaan tartamada waxaana ay qasaartay 4 jeer iyagoo bar baro galay 6 jeer.

Frank Lampard ayaa dhaliyay 7 gool 9-kii kulan ee ugu dambeeyay oo lagu soo bilaabay Premier League ,waxaana uu noqday ninka labaad ee uguu goolsaha badan taariikhda kooxda Chelsea markii uu dhaliyay 194 gool waxaana uu 8 gool ka hooseeyaa Bobby Tambling.
Ciyaartooyda lagayabo in lagu soo bilaabo

Chelsea (4-2-3-1): Cech; Azpilicueta, Ivanovic, Terry, Cole; Luiz, Lampard; Hazard, Mata, Ramires; Ba.

Arsenal (4-2-3-1): Szczesny; Sagna, Koscielny, Vermaeln, Gibbs; Diaby, Wilshere; Oxlade-Chamberlain, Cazorla, Podolski; Walcott.

Ciyaartaan waxaa dhex dhexaadin doona garsoore Martin Atkinson waana ciyaartiisii 17 aad ee xagagaan ,waxaana geeska Afrika laga daawan doonaa 4:30 galabnimo.

 

Fakarkaaga ka dhiibo adoo FACEBOOK isticmaalaya

Fikradood

Powered by Facebook Comments

1 Comment for “Maxaa muhim ah kulanka Chelsea iyo Arsenal yaase lagu soo bilaabi doonaa?”

  1. Hassan Ahmed Muse

    Waan ka badineynaaa chelsea viva arsenal

Fikirkaaga ka dhiibo

Ogsoonow Emailka aad galiso laguma soo bandhigayo bogga

MAGACAAGA:

EMAILKAAGA:

FAKARKAAGA KU QOR:

¨ /iframe
Log in | Designed by Jimcale