Maxaa diiday in Wesley Sneijder uu ku biiro Manchester United ?
Waxaa Qoray: raafac

Inter Milan ayaa lagu cadeeyay in kooxda reer Enbgland ee Manchester United ay dhaafisay laacibkeedii Wesley Sneijder kaas oo cadeeyay in Inter ay udiiday in uu ku biro Man United .
Waxaa uu sheegay Wesley Sneijder oo uwaramayay Tuttosport in uu isagu doonayay in uu ku biirio kooxda Man United laakin Inter ay diiday in uu aado UK.
Waxaa uu ku eedeeyay kooxdiisii hore in ay ka qariyeen dalab gaaray 20 mmilion oo ay usoo bandhigtay kooxda United ,laakin isagoo aan lala tashan ayuu sheegay in Inter ay si cad udiiday lacagtaas.
Waxaa uu qiray in uu ka xumaaday maamulka kooxdiisa markii uu maqlay in ay go,aan gareen iyagoo aan la tashan .
“Waxaan rabay in aan ku biro United ,laakin Inter ayaa diiday midaas ,waxaa la ii sheegay in ay celiyeen lacag dhan €20m oo ay keentay United ,waan ka xumahay go,aankaas qaldan ayuu Wesley usheegay Tuttosport.





Xidaga wuxuu kufiicnaa man u lkin waqtiga iyo inter milan ayaa kahor istageen inuu uk ? Udhaqaaqo snjear waxan kurajenaa mustaqbal wacn magacaga waxan kusoxasuustaa goolkii aad kadhilisay brziil 2010 wold cup kii ee lugu qabtay south afirka
Inter waa aykukhaldaneed.