HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO


253 views

Manchester United udhaqaaqeysa Luka Modric

Waxaa Qoray:


Kooxda Manchester United ayaa lagu soo waramaya in ay udhaqaaqi doonto marka uu dhamaado xagaagan laacibka khadka dhexe ee kooxda Real Madrid Luka Modric sidaas waxaa ogaatay The Mirror.

Xidiga wadanka Croatia ayaa gool kulahaa labadii gool ee Maddrid uga adkaatay United bartimihii asbuucii hore .

Warar hoos oo laga helaayo dhanka kooxda United ayaa sheegaya in Manchester ay dooneyso in ay la soo saxiixato lacibkii hore ee Tottenham kaas oo badanaa keydka ku jira kulamada Madrid.

Tababare Sir Alex Ferguson ayaa xiiseynayay Modric intii uusan laacibkaan udhaqaaqin Madrid laakin Tottenham ayaa beeca ka jiifatay balse Fergie hada ayuu tijaabin doonaa nasiibkiisa.

The Mirror ayaa sheegtay in Modric uu usheegay saaxibadii in uu xiiseynaayo in uu udhaqaaqo garoonka Old Trafford.

Fakarkaaga ka dhiibo adoo FACEBOOK isticmaalaya

Fikradood

Powered by Facebook Comments

1 Comment for “Manchester United udhaqaaqeysa Luka Modric”

  1. Abdirazak

    Ser waxad labakhayshay wad aragta wuxukugu dhigay

Fikirkaaga ka dhiibo

Ogsoonow Emailka aad galiso laguma soo bandhigayo bogga

MAGACAAGA:

EMAILKAAGA:

FAKARKAAGA KU QOR:

ยจ /iframe
Log in | Designed by Jimcale