HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO


231 views

Man Utd vs Norwich City (Hordhaca iyo Taariikhda)

Waxaa Qoray:

Kooxda hogaamineysa horyaalka Ingriiska ee Man United ayaa ciyaar looga baahan yahay in ay caqli uga dabaalato galabta la qaadan doonta Norwich City ,ka hor inta aaney talaadada la ciyaarin Real Madrid.

Ogeysiiska ciyaarta

Tartanka : Premier League

Kooxaha : Man United vs Norwich City

Garoonka: Old Trafford

Garsooraha : N. Swarbrick‎

Saacada geeska Afrika: 6:00 maqribnimo

Xidigaha waa weyn ee kooxda United ayaa nasiino ubaahan qaarkood madaama ay ku xisaabtamayan kulanka Champions League ee Rael Madrid .

Daafaca Phil Jones oo anqowga dhaawac ka qaba ayaa ka maqnaan doona kulankaan waxaase kooxda usoo laabanaya Robin Van Persie.

Paul Scholes ayaa isna ka soo laabanaya dhaawac uu jilibka ka qabay waxaase kooxda wali ka maqan D. Fletcher

Mala socotaa?

Kooxda Manchester United ayaan laga adkaanin 17-dkii kulan ee ugu dambeysay guud ahaan tartamada oo dhan waxaana 15 ka mid ah ay yihiin Premier League .

Kooxda Manchester United ayaa hal mar oo kaliya xagaagan loogaga adkaaday gurigeeda kulamada horyaalka waxaana ka adkaatay kooxda Tottenham oo 3-2 uga badisay bishii Sebtember.

Kooxda Norwich ayaan laga badin 4-tii kulan ee ugu dambeysay ,waxaana xusid mudan in 11-kii kulan ee ugu dambeysay ay adkaatay 2 jeer oo qura.

Norwich ayaa ah kooxdii ugu dambeysay ee ka adkaata United waxaana ay ugu adkaatay 1-0 xagaagan kubbad uu madax ku dhaliyay Anthony Pilkington ,xiligaas ayaan guul daro ugu dambeysay kooxda Red devils .

United waxay qaadatay 89 % dhibcaha horyaalka, iyadoo badisay 5 midna barbarro gashay 6-dii kulan ee ugu dambeeyay. Halka Man City oo horyaalka ku haysata ay qaadatay 61 % dhibcihii la heli karay.

Xidigaha labada dhinac ee lagayabo in lagu soo bilaabo

MANCHESTER UNITED:-De Gea,Rafael, C. Smalling , R. Ferdinand , P. Evra,Nani , Anderson , M. Carrick ,A. Young,W. Rooney ,J. Hernández

NORWICH :-M. Bunn,R. Martin , S. Bassong , M. Turner , Garrido,B. Johnson , J. Howson,R. Snodgrass , W. H

Fakarkaaga ka dhiibo adoo FACEBOOK isticmaalaya

Fikradood

Powered by Facebook Comments

1 Comment for “Man Utd vs Norwich City (Hordhaca iyo Taariikhda)”

  1. Abdirazik barahow

    Man United waxa looga baahan yahay kulankan galabta farsamo & Caqli in ay ku xaaqdo Norwich City, Man United 2 : Norwich City 0

Fikirkaaga ka dhiibo

Ogsoonow Emailka aad galiso laguma soo bandhigayo bogga

MAGACAAGA:

EMAILKAAGA:

FAKARKAAGA KU QOR:

¨ /iframe
Log in | Designed by Jimcale