Man United iyo Chelsea oo is mari waayay xili Chelsea ay 50 sano kadib gool ku soo dhalisay garoonka Old Trafford + DAAWO SAWIRADA
Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farah
Kooxda Chelsea ayaa bar baro ka soo qaadatay garoonka Old Trafford ee magaalada Manchester ciyaartii FA Cup-ka oo ay la ciyaartay United .
Red Devills ayaa ilaashan weysay shabaqeeda kadib markii ay Chelsea gaarsiisay 2-0 ,waxaana badal cajiib ahaa oo uu sameeyay tababare Rafa Benitez uu caawimaad ukeenay Chelsea .
Kubbbad uu qiyaamay daqiiqadii 5 aad ee ciyaarta Carick ayuu gool ubadalay Javier Harnandez waxaana hogaanka durba dheereyay Rooney oo Chelsea ka dhaliyay Free Kick inkasto ay ku dhacday qaar ka mid ciyaartooyda labada koox hadana waxaa uu ciyaarta ka dhigay 2-0.
Waxaaa lagu kala nastay 2-0 oo ay ciyaarta ku hogaamineyso United waxaana markii la isku soo laabtay ay Chelseea badal ku keentay Mikel iyo Hazarad waxaana garoonku uu isku badalay Baluug waxaana ay Chelsea weerar lixaadleh ku qaaday goosha United .
Eden Hazarad ayaa Chelsea udhaliyay gool niyada udhisay kooxda kaas oo ahaa goolkii ugu horeyay ee Chelsea ku dhaliso garoonka Old Trafford mudo ka badan 50 sano kulamada FA Cup-ka.
Weerarka Chelsea ayaa sii socday waxaana ciyaarta 2-2 ka dhigay xidiga khadka dhexe ee kooxda Chelsea Ramires daqiiqadii 68 aad.
United ayaa wixii xiligaas ka dambeeyay si fiican loo saarnaa waxaana kulankaan uu ku soo idlaaday 2-2 labada koox ayaa ciyaari doona kulan kale oo kala bax ah kaas oo ka dhici doona garoonka Staform Brdige

















aniga waxan ku dhihi lahaay ciyaarta caadi uga shekey iska dhaf tegerida mam umited aad ku waalatay waa wax xun sababto ah webbka aa kaa maherad dilmaa viva my team
Wad kumahadsantahay raafac qormadaada her waxad gaartay idaacadaha ciyaraha ka hadlo e warbixinadaada soo qaatan dhanka kale fikirkeyga hadaan kahadlo 2 iyo 3 ayey kuhabooneed cayaarta mata ayaa golka naga cunay dhibsa malehan garonkenaan man u ku dubaneynaa