HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO


160 views

Man City oo Madrid ku caawineysa garoonkeeda tababarka ka hor kulanka United

Waxaa Qoray:

Kooxda Manchester City yaa ka caawin doonto dhigeeda Real Madrid in si ay tababar ugu qaataan garoonka Etihad Stadium ka hor inta aysan kulanka koobka horyaalada yurub la ciyaarin Manchester United Talaadada.

Macalin Jose Mourinho ayaanan doonaynin in uu tababar ku qaato garoonka weyn Old Trafford sababo la xiriira in uusan noqon kulankaas mid uu guul daro kala soo hoydo sidoo kale macalinka Mdadrid ayaa ka cararaya in tababare Sir Alex Ferguson uu ogaado hab ciyaaredka ciyaariyahandiisa.

Jose Mourinho ayaa lahadli doona ciyaartooydiisa maalinta Axada ah kadibna waxaa ay duuli doonaan England.

Gacan kaalmo ah ayaa tababare Roberto Mancini waxa uu siinayaa kooxda Madrid ka hor inta uusan kulankaas dhicin.

kulankaan ayaa waxaa loo calamadeeyay in uu ka dhaco garoonka Old Trafford laakin Mourinho ayaa diiday in ay tababar ku qaataan ciyaartooydiisa garoonka sababo xag farsamo aawadeed.

Jose Mourinho ayaa ka cararaya in aan laga qaadan shax ku aadan habka uu doonaya in uu kaga hortago kooxda United-ka waana sababta uu ku diidayo garoonkan aalmiitada ee United.

Safarka kooxda Real ee dalka Ingiriska ayaa waxa uu noqonayaa in maalinta birito ay soo doolaan balse kooxda Real ayaa iska soo hormarisay codsi ay u soo dirtay kooxda City si loogu ogolaado in ay ku diyaar garoobaan garoonka Etihad Stadium laga bilaabo maalinta isniinta.

Go’aanka ay City qaadatay ayaa waxaa la hubaa in ay ka caroonayaan taageerayaasha ka tirsan kooxda qaar

Ciyaariyahanada Cristiano Ronaldo, Xabi Alonso iyo qaar ka tirsan ciyaartooyda ayaa waxa ay soo mari doonaan qeybaha kala duwan ee ku hareereesan City maalinta isniinta waxa ayna dib ugu soo laaban doonaan Hotel-ka ku yaala Cheshire si ay isugu diyaariyaan kulanka habeenka taladaada dhacaya .

Tababare Mourinho kalikiis ayaa booqan doono garoonka Old Trafford ka hor inta aysan ciyaarta dhicin si uu halkaas ugula kulmo saraakiil ka socoto UEFA wariyayaashooda si ugu hadlo kulan waxaana ku wehlin doono mid ka mid ah ciyaartoydiisa.

United ayaa la fahansan in aysan waxa saameyn ah ku yeelan doonin go’aanka ay City ku gaartay in ayhooy bixiso Real ayaa iyo hada ma soo codsan inay dooneyso garoonka Old Trafford.

Wararkaqaar ayaa sheegaya in sababaha ugu weyn ee tababare Roberto Mancini ugu ogolaaday Madrid in garoonkiisa tababarka ku sameeyaan in ay tahay in Man United gabi ahaan tatanka laga soo reebo

Fakarkaaga ka dhiibo adoo FACEBOOK isticmaalaya

Fikradood

Powered by Facebook Comments

2 Comments for “Man City oo Madrid ku caawineysa garoonkeeda tababarka ka hor kulanka United”

  1. Abdihakiim-peak

    Anigo ah tagerha man.untid
    kama xumanayo inta ayso dhaweyen realmadirt mancity lkn
    waxay nocadeyen inay ka xun yihin badinta an kabadin dono realmadirt&cabsida ay kacab saden ayaa yuka xunyahaye manciny wuna arki donan morino&mancini

  2. C|wadud diyeshe

    Waan lasocona mancity waxa ay damacsantahay anagu hadan nahay reer manutd waxan lenahay uma jixinjixi doono waxwalba wan marnaa realna xaqa ayku ledahay old traford wansiin 2 rvp iyo babah

Fikirkaaga ka dhiibo

Ogsoonow Emailka aad galiso laguma soo bandhigayo bogga

MAGACAAGA:

EMAILKAAGA:

FAKARKAAGA KU QOR:

ยจ /iframe
Log in | Designed by Jimcale