kooxda Arsenal oo laga reebay FA Cup-ka + DAAWO SAWIRADA
Waxaa Qoray: raafac
Taageerayasha Arsenal ayaa iyagoo careysan oo kooxdooda caaynaya waxaa ay caawa ka baxeen garoonka Emirates markii kooxda Arsenal laga reebay koobka FA Cup-ka.
Kooxda heerka labaad ee Blackburn ayaa noqotay kooxdii ugu horeysay ee heerka labaad ee ka reebtay Arsenal FA Cup-ka tan iyo markii xilka qabtay Wenger waxaana loogaga adkaaday 1-0.
Arsenal ayaa lagu reebay gurigeeda caawa kadib ciyaar adag ,waxaana Wenger uu fariisiyay xidigaha waa weyn ee kooxda laakin markii ay xaaladu xumaatay waa kiciyay laakiin waxba ma qaban .
Blackburn Rovers iyo Arsenal ayaa waxa ay soo bandhigeen ciyaar adag waxaana qeybtii hore ay ku kala nasteen 0-0 ,laakin daqiiqaadii 72 aad ee qeybtii dambe ee ciyaarta Kazim-Richards ayaa gool ugu shubay Arsenal goolkaas ayaana The Gunners looga reebay koobkan faca weyn.
Blackburn Rovers ayaa usoo gudubtay wareega 8-da waxaan ay arintaan imaaneysa iyadoo manta uu tababare Wenger sheegay in ay udagalamayan koobkan.















war odaygaan fransiiska muxuu ahaaa hadii uu kusoo bilaabi lahaa cazorla iyo walcott wax beeyn ahaan laheeyd intuu champion ku fekeraayo ayuu waalan doonaa,, waayo waa wax iska cad in championka uusan dhadhamineeynin war soco oo real aad ku socotaye aad oo haka soo laabanin jose welcome to emirates stadium so much soonly ok good to heavy weighty with is to jose good luck dear coach
Waaw waxan niyeystay in laga badinayo marku badalay russkey talow odaygan yaa u sooceliyo r.v.p madax xanunka hadayee
Bahda lacib iyo bahda cayaraha xiseso wa idin salamay macalinka qalad maleh maxayelay kuwa o bilabay koxda aye u ciyaran hadi o safilaha marki hore lacibinta e dhawac so garilaha waxa la dhihi,laha bayar ya laciyarayo aya macalinka qof xun wayay?? Waxan idin ka codsanaya in at kensatan macalin iyo cayartoy wada fican sida man iyo alex ferguson o kale hadi kale hos hos aya lo,oya kkkkkkkkkkk