Hordhaca kulanka galabta ee Brentford vs Chelsea
Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farah

Rafael Benitez ayaa Chelsea ka lumiyay labo koob tan iyo markii shaqada loo dhiibay waxaana uu xooga saaraya in uusan lumin koobkan FA Cup marka ay galabta usafraan Brentford.
Macalinka Brentford Uwe Rosler ayaa weyn doona ciyaariyahanka uu amaahda uga soo qaatay kooxda Everton ee Jack Bidwell kadib markii casaan loo taagay kulankii ay 2-2 la galeen kooxda Leyton Orient.
Waaya araga khadka dhexe Kevin O’Connor iyo Farid El Alagui ayaa sidoo kale ka maqnaan doona Brentford inkastoo ay dib uheli doonaan Marcello Trotta iyo Shaleum Logan.
Chelsea ayaa weyn doonta xidiga wadanka Belgium Eden Hazard ,waxaana ubilaan doona ganaax sadex kulan ah kadib markii uu haraatiyay wiil yar oo ka mid ah kuwa kubbadaha soo qabtay kulankii Chelsa iyo Swansea City.
John Terry ayaa la sadaalinaya in uu ku soo bilaaban doono ciyaartan tan iyo markii uu dhawaca ka soo laabtay halka Yossi Benayoun iyo Oriol Romeu ay dhaawacyo ku maqan yihiin ku darso in ay Afrika jiraan Mikel iyo Mosses.
Xidigaha labada dhinac ee lagayabo in lagu soo bilaabo
BRENTFORD:-Moore,Hodson, Craig, Dean, Barron,Forshaw, Douglas, Diagouraga ,Forrester, Donaldson, Trotta.
CHELSEA:-Cech,Azpilicueta, Cahill, Terry, Bertrand,Lampard, Ramires,Marin, Mata, Oscar,Torres
Ciyaartaan waxaa ay ka dhici doontaa garoonka Griffin Park waxaana dhex dhexaadin doona garsoore Jonathan Moss iyadoo geeska Afrika laga daawan doono galabta 3:00




way badinaysaaa chelsea waxanan rabaa in lagu bego man utd