Guardiola oo hogaaminaya 8-da macalin ee ugu mushaarka badan aduunka
Waxaa Qoray: raafac

Majalada ‘Sports’ ee ka soo baxa Spain ayaa soo saartay liiska 8-da Tababare ee ugu mushaarka badan caalamka, waxaana ugu horreeya Guardiola oo heshiis ku eg illaa 2016-ka la gaaray kooxda Bayer Munich oo sanadkii mushaar ahaan u qaadan doona 17-Milyan oo Euro (23-Milyan oo Dollar).
Booska labaad ee sheekadan waxaa galay Jose Mourinho oo sanadkii jeebka ku shubta 15.3-Milyan oo Euro Euro, halka kaalinta 3-aadna uu ku jiro tababaraha Paris Saint-Germain Carlo Ancelotti oo sanadkii qaata 13.5-Milyan oo Euro).
Sida ay warbixintu sheegeyso Kaalinta 4-aad waxaa fadhiya tababare Marcelo Lippi oo 10-Milyan oo Euro ka qaata Guagzhou ee Shiinaha.
Boosaska 5-aad iyo 6-aad waxaa kala galay Tababaraha Man United Alex Ferguson (9.4-Milyan Euros) iyo macallinka Arsenal, Arsene Wenger oo isna qaata 9.3-Milyan sanadkii.
Booska 7-aad ee macallinka ugu mushaarka badan caalamka waxaa ku jira Guus Hiddink oo layliya kooxda Anzhi Makhachkala oo qaata 8.3-Milyan Euros, halka kaalinta 8-aadna uu galay tababaraha kooxda barcelona Tito Vilanova oo qaata 7-Milyan oo Euro sanadkiiba.





Wan idin salamay dhaman aq yaarta aad ayan ugu faraxsanahay in tababaraha arsenal arsen wenger uu ka mid noqdo tababarayaasha ugu musharka badan calamka waayo aad ayan u taageeraa isaga iyo kooxda uu leyliyo e arsinal