Giggs iyo heshiis cusub ,Van Persie iyo Real Madrid ,Jonees iyo dhaawac waxaa ka hadlay Sir Alex Ferguson
Waxaa Qoray: raafac
Tababaraha kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa sheegay in weeraryahanka lugta bidix ku dagaala ee Robin Van Persie uu diyaar uyahay in uu wajaho kooxda cad cadka ee Real Madrid taladaada soo socota .
Laacibka xulka Holland oo dhawac uu ka soo gaaray kulankii ay kooxdiisu 2-0 uga adkaatay kooxda QPR ayuu Fergie sheegay in uu tababarka ku soo laabtay uuna diyaar uyahay in uu ciyaaro kulanka bari ee Norwich.
“Van waa diyar waxaana uu ku soo laabtay tababarka bari ayuu safan doona waana uu ciyaari doona kulanka Madrid ayuu yiri Ferguson.
Dhan kale tababarka kooxda United Sir Alex ayaa sheegay in laacibka daafaca dhexe Phil Jones uu dhaawac qabo uuna sugi doono jawaabta rasmiga ah ilaa kulanka Madrid ,hadana uu bilaabay in uu ordo.
Ryan Giggs ayaa isna helay riyadiisii aheyd in uu uciyaaro United isagoo 40 jir ah kadib markii manta la shaaciyay in uu heshiis cusub usaxiixay kooxdiisa waxaana uu bari ciyaari doonaa hadii la safo kulankiisii 1000 ee kooxda United .
“Waa ciyaariyahan cajiib ah waxaan muhim u aragnay in aan sii ceshano Giggs sanadka kale ayaana loo kordhiyay ayuu yiri tababare Sir Alex





Viva man United & viva robin van & Ryan Giggs Man United 3 : Real madrid 0
Real 3 United 0 sxbayaal Real garoonkooda waxay ka jecel yihiin ka martida ay yihiin unitedna Giggis oo ay ka dhamatay maskax ciyaareed heshiis ula heshiiyeen sanadkale koley Fergei wuxuu ka quustay united cadcadku markay comp nou barca ku dubteen.