Chelsea vs West Brom (Hordhaca iyo Taariikhda)
Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farah

Kooxda Chelsea aya galabta soo dhoweyn doonta kooxda West Brom ciyaar tijaabo kale ugu filan kooxda caasimada
Ogeysiiska ciyaarta
Tartanka: Premier League
Kooxaha : Chelsea vs West Brom
Garoonka: Stamford Bridge
Garsooraha : K. Friend
Saacada geeska Afrika: 6:00 maqribnimo.
Tababaraha kooxda Chelsea Rafa Benitez ayaa doonaya in uu is badal ku sameeyo wajiyadii ka hor tagay kooxda Boro kulankii FA Cup ee Arbacadiii ,waxaana kooxda ku soo laaban doona Frank Lampard, Ashley Cole, Demba Ba iyo Gary Cahill.
Daafaca garabka Cesar Azpilicueta ayaa dhawac qaba kaas oo loo badinayo in uu ka maqnaado kulanka halka Oriol Romeu uu isna wali dhaawac ku maqan yahay .
Kooxda West Brom waxaa ka maqan xidigo ay ka mid yihiin G. Popov,G. Thorne iyo Z. Gera oo dhamaantood xanuuno qaba.
Mala socotaa ?
Kooxda Chelsea ayaa hore u erisay laba macalin oo ay ka badisay kooxda West Brom. Andre Villas-Boas waxaa la eryay markii ay 1-0 uga badisay kooxdani bishii March 2012-kii, halka Roberto Di Matteo isna shaqada laga ceyriyay markii ay 2-1 uga badisay West Brom bishii November ee sanadii tagay .
Guushii Rafa Benitez ee ugu dambaysay waxay saamigiisa boqolleey ahaan ka dhigaysaa 51.9% taasoo ka dhigan inuu yahay macalinkii 9-aad ee ugu guusha badnaa kooxda Blues horyaalka Premier League. Waxaa ka horreeya rag ay ka mid yihiin Avram Grant (66.7%), Luiz Felipe Scolari (55.6%) iyo Claudio Ranieri 53.3%.
Xidiga khadka dhexe ee kooxda Chelsea Frank Lampard ayaa wali sugaya in uu jabiyo rikoorka goolasha ee kooxda Chelsea waxaana uu ubaahan yahay sadex gool si uu midaas usameeyo .
Laacibka ugu goolasha badan Chelsea waa Bobby Tambling oo kooxda ka tirsanaa intii udhaxeysay sannadihii 1960-kii iyo ilaa 70-kii waxaana uu dhaliyay 202 halka Lampard uu dhaliyay 199 gool.
Kooxda West Brom ayaa waxaa 32% goolasha laga dhalinayay marka la dhaafo daqiiqadda 80-aad xilli-ciyaareedkan.
7 ka mid ah 8-dii guul ee ugu dambeeysay kooxdan Baggies waxay dhalinaysay 2 gool.
Xidigaha labada dhinac ee lagayabo in lagu soo bilaabo
CHELSEA:-Cech,Ivanovic, Luiz, Terry, Cole,Lampard, Ramires,Moses, Mata, Hazard,Ba
WEST BROM:-Foster,Reid, McAuley, Olsson, Ridgewell,Mulumbu, Yacob,Dorrans, Morrison, Brunt,Long





CHELSEA 8-0 west Brom
manat waxan xaseqi dona west Brom waxan jecel laha ina lagu so bilow terre and Wilka yara e Ake and Ba and torres and matta and Hazard and Ivnvj and kahel and A.kole and f.lamardo and Oscer and marka marin Gk Hilri