Champions League iyo kubbada cagta yurub oo fadeexo ku soo baxday
Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farah

Yurub ayaa wijihi doonta baaritaan xoog leh oo kubbad cagta ah taas oo ay fulin doonto hay’adda booliska yurub ee loo yaqaano Europol.
Sida ay daabaceen inta badan wrgeysyada yurub manta waxaa la shegay in ilaa 380 ciyaarood qamaar lagu sameeyay oo natiijadood la sii qorsheeyay .
Wadanka Ingriiska ayaa ku jira meelaha ay ishu heyso waxaana La sheegay in lixdi sano ee la soo dhaafay laga sameeyay hal ciyaar oo la sii ogaa waxaa ay ku dhamaan doonto oo ka tirsan Champions League.
Gudi ka kooban 43 xubnood ayaa loo saaray baaristaan ,waxaana ciyaaraha sidoo kale ku jira koobka qaramada yurub iyo koobka aduunka ,tiiyo ay jirto in ay ubadan tahay Champions League .
Kooxaha Man United ,Chelsea ,Arsenal Tottenhanm,Liverpool iyo Manchester City ayaa farta wadnaha ku haya kadib markii arintaan la shaaciyay
Arintaan ayaa hoos udhigeysa sumcada kubbada cagta ee qaarada yurub.




Asc dhamn asxaabta xisaysa ciyaaraha hadaan kadhiibto fikirkayga ruuntii waa janis aad uu wanaagsan waayo waxaa soobixi doonta waxyaabo bbadan waxaana amiinsnahay in laga heli doono kooxaha man utd barcelona livrpool waayo waa koxahah ugubadan ee qada championka iyo horyaalada yurub khaasatan man utd inay samayso waxyaabahan labaarayo ayaa shak kujirra bye