C.Ronaldo oo lacg ugu yaboohay naafad Afghanistan
Waxaa Qoray: raafac
Laacibka kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa markale caawimaad ufidiyay qaar ka mid ah wadamada muslimka kadib markii uu lacag ugu deeqay Dadka ku waxyeeloobay Miinooyinka ee wadanka Afghanistan.
Xidiga reer Portugal ayaa lacag dhan 100,000-oo Euro ku wareejiyay hay’adda (ICRC) waxaana warbaxintaan lagu shaaciyay bogga kooxda Real Madrid .
Ronaldo ayaa (ICRC) usheegay in ay muhiim tahay in la caawiyo cid walba oo dhibana ah uuna lacagtaas ugu talo galay in wax loogu qabto dadka lixaadkooda ku waayay Miinooyinka ee ku nool Afghanistan
Horey Ronaldo ayaa lacago ugu yaboohay wadamada Somalia iyo Falastiiin.





Sasaan karaab inanka sanadka inkasta hbn dhawayd na cadibtey hadana wa lagu taageertaakkkkkkkkkkkkkk
Waaw cr7 Ilaahayow xaqa waafaji,,Aamiin Aamiin,Aamiin