Barcelona oo la kulantay guul daradii ugu horeysay xili ciyaareedkaan
Waxaa Qoray: raafac

Maalin walba farxad ma’ahan iyagoo wata labo ka mid ah sadexda ciyaariyahan ee ugu fiican aduunka ayey Barcelona cawa la kulantay guul daradii ugu horeysay horyaalka Spain .
Messi aya isagoo murugeysan ka tagay garoonka markii kooxdiisa lagu qaarijiyay 3-2 ciyaar ay kaga horjeedeen REAL SOCIEDAD.
Barca ayaa hogaanka ciyaarta qabatay daqiiqadii 7 aad markii uu Messi shabaqa soo taabtay kadib kubbad ka timid Iniesta.
Barcelona ayaa sii waday banoonigeeda quruxda badan waxaana daqiiqadii 24 aad ee isla qeybtii hore ay goolka labaad ka heleen Pedro oo dhaliyay kubbad uu caawiyay Alves .
Laakin sheekada ayaa ku ciirtay Barcelona markii uu labo gool ka ansixiyay ciyaariyahan Castro kaas oo ka dhaliyay daqiiadihii 41 aad iyo 63aad,waxaana uu ciyaarta ka dhigay 2-2,waxaana ay aheyd markii la saaray Pique.
Waqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray ciyaarta ayaa Barcelona daadka lagu daray markii uu Agirretxe shabaqa ku leexiyay kubbad uu garabka midig ka soo galiyay Carlos Martínez waxaana ay ciyaartu ku soo idlaatay 3-2 oo ay ku adkaatay REAL SOCIEDAD.
Waa guul daradii ugu horeysay ee soo gaarta kooxda Bulgarana xili ciyaaredkan .





Sorry sorry sorry aad iyo aad ayaan uguxumahay koxda uguficneyd ee aduunka ayaa caawa guuldaro kalakulantey koox yer.lkn dhib malaha waxaan rajeyna ineysan noqon barca koox guul daro kalakulanta kooxkale intii hadakadanbeyso.
Waxan jooga wadanka greekga-athens