Ashley Cole oo isha kuhaya kulankiisii 100 aad ee xulka Ingriiska
Waxaa Qoray: raafac

Daafaca kooxda Chelsea Ashley Cole ayaa asbuuca dambe ku biiri doona ciyaartooyda 100 kulan usafatay xulka wadanka Ingriiska .
Cole ayaa sugaya in uu ka mid noqdo xulka Ingriiska ee 6-da bisha soo aadan la ciyaari doona Brazil ,waxaana tababare Roy Hodgson lagu wadaa in manta oo khamiis ah uu ku dhawaqo 25-kiisa ciyaariyahan.
Cole oo ka mid ah laf dhabarka xulka Ingriiska ayaa qarankiisa uciyaarayay tan iyo 2001-dii waxaana hadii uu ciyaaro kulanka Wembley uu noqon doonaa kulankisii 100 aad
Waxaa uu noqon doonaa ninkii 7 aad ee 100 kulan uciyaaray xulka Ingriiska waxaana uu ku biiri doonaa Steven Gerrard , Peter Shilton, David Beckham, Bobby Moore, Sir Bobby Charlton iyo Billy Wright.




Ashlay col waa dafac adek o xulka uqalmo