Arsenal oo amah ku dooneysa xidiga Barcelona Isaac Cuenca
Waxaa Qoray: raafac

Kooxda Arsenal ayaa digtoonaaw ugashay saxiixa laacibka garabka ee kooxda Barcelona Isaac Cuenca kadib markii ay Barcelona shaacisay in ay amah ku direyso .
Naadiga Arsenal ayaa xiriir ganacsi la leh Barcelona waxaana laacibkaan oo umuuqda mid mustaqbal kuleh kubbad cagta ay doonayaan in ay soo qaatan si amah inta ka dhiman xili ciyaareedkan.
Isaac Cuenca oo ka soo baxay Akadeemiyada Lamesia ayaa maalmihii la soo shaafay dhaawac kaga maqnaa garoomada laakin hada waa uu soo kabsaday .
Sida ay qortay Inside Spanish Football kooxda Arsenal ayaa heegan buuxa ugu jirta in ay amah ku qaadato laacibkaan inta lagu jiro bishaan ,waxaana loo badinaya in ay ka aqbali doonto Barcelona.





Welcom isaac to emarates