HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO


Waxaa la daabacay: Saturday, March 9, 2013 - 19:46:37
Waxaa la aqristay: 211 Jeer.

Ciyaar waali ah ka dib Bayer Munich oo guul gaartay

Waxaa Qoray:

mullae
Kulankii adkaa ee udhaxeeyay kooxaha Bayer Munich iyo Fortuna Dusseldorf ayaa ka duwanaday sidii lawada filayay waxaana Munich ay la kulantay iska caabin xoog leh ilaa dhamaadkii ciyaarta .

Munich ayaa waxey laheyd qaab ciyaareed wanaagsan laakin waxaa lagu boobsiyay hogaanka waxaana daqiiqadii 16 aad shabaqa Munich soo taabtay ciyaariyahan M. Bolly.

Bayer ayaase sidii cadada u aheyd xagaagan waxaa ay dulaan ku qaaday goosha kooxda Fortuna waxaana kubbad uu ka soo shaqeyay Lahm shabaqa dhex dhigay Thomas Müller daqiiqadii 45 aad ee qeybtii hore waxaana lagu kala nastay 1-1.

Markii la isku soo laabtay kooxda Fortuna Dusseldorf ayaa hogaanka markale qabatay daqiiqadii 71 aad markii uu gool udhaliyay xidigooda Lambertz ,laakin goolkaas ayaan wax badan sii shaqeyn waxaana labo daqiiqo kadib ciyaarta sawaxankeeda badalay Franck Ribéry oo ugu shubay kubad uu ka helay Pizarro.

Ciyaarta oo mareysa 2-2 waqtiguna uu marayo 86 daqiiqo ayuu kabtan Lahm markale kubbad ugu deeqay Jerome Boateng kaas oo natiijada ciyaarta ku soo xiray 3-2 oo ay ku adkaatay Bayer Munich .

Fakarkaaga ka dhiibo

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

1 Comment for “Ciyaar waali ah ka dib Bayer Munich oo guul gaartay”

  1. aabe

    i ven the champoin

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale