1: Saturday, December 8, 2012 - 16:34:21
2: 227 Jeer.

Ciidamada Kenya oo Islii ka qabqabtay dhallinyaro looga shakiyay inay ka dambeeyeen falalka ammaan darida

Waxaa Qoray:


Xiisad kacsanaan ah ayaa ka taagan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya iyadoo ciidamada amaanka dalka Kenya ay ka wadaan howlgalo dad badan lagu soo qabqabtay xaafadda Islii halkaas oo uu xalay ka dhacay Qarax lala eegtay xildhibaan ka tirsan baarlamanka Kenya.

Xaalada kacsanaanta ah ee ka taagan xaafadda Islii ayaa ka dambeysay kadib markii xalay qarax lala eegtay xildhibaan ka tirsan baarlamanka Kenya kaas oo laga soo doortay dagmada Kaama kuuja oo ay ka tirsan tahay xaafadda Islii.

Xiligi uu dhacayay Qaraxa ayaa waxaa goobta ku sugnaa xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi oo ah mudanaha laga soo doortay dagmada Kaama Kuuji kaas oo qudbad u jeedinayay dad Soomaali ah kana dalbanayay in ay is diwaan galiyaan madaama ay soo dhawdahay doorashada dalkaasi.

Ciidamada amaanka dowladda Kenya ayaa wado baaritaanno la xiriiro qaraxii xalay dhacay waxaana hakad ku jira isu socodkii gaadiidka iyo goobihii ganacsiga.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale