1: Tuesday, December 11, 2012 - 16:28:14
2: 237 Jeer.

Ciidamada gaarka ah ee Alpha Group oo baaritaano ka wada magaalada Jowhar

Waxaa Qoray:


Kooxda Alpha Group ee ka tirsan ciidanka nabadsugida Soomaaliya, kuwaas oo qaba tababar heer-sare ah ayaa la geeyey maalintii shalay magaalada Jowhar si ay halkaas baaritaano uga sameeyaan, baartitaankaas oo lagu soo qabanayo xubnaha ka harey al-Shabaab kuwaas oo fulin kara falal amni xumo abuuraya.

Alpha Group oo wata gaadiidkooda dagaalka isla markaana markasta oo ay hawlgalayaan wejiga duubta ayaa xaafadda Hantiwadaag ee magaalada Jowhar ku so qabtey dhalinyaro ay uga shakiyeen al-shabaab in ay magaalada ku reebeen.

Kooxdan sida gaarka ah u tababaran ayaa xaafadda Hantiwadaag ee magaalada Jowhar u baaraya guri-guri waxaana baaritaanku saameyn doonaa dhamaan xaafadaha magaalada.

Magaalada Jowhar xarunta gobolka Shabeelada Dhexe ayaa maalintii Axadda soo gashey gacanta dawladda. Maalintii shalay (Isniin)waxaa booqdey wefdi heer sare ah oo isugu jitrey wasiiro iyo saraakiisha u saraysa ciidanka kuwaas oo u kuur-galayey xaaladda gobolka.

Wefdiga ayaa sheegay in hawlgalku sii socon doono ilaa laga xaqiijiyo amniga dalka oo dhan

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale