HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO

Waxaa la daabacay: Tuesday, December 4, 2012 - 19:51:34
Waxaa la aqristay: 86 Jeer.

Ciidamada AMISOM oo balan qaaday in ay wax ka qaban doonaan Amniga Wadada Marka

Waxaa Qoray:


Hogaanka guud ee ciidamada midowga Africa ee Somalia jooga ee Amisom ayaa sheegay inuu dhawaan qaadi doono tallaabooyin sare loogu qaadayo ammaanka waddada dheer ee isku xirta magaalada Marka iyo deegaanka KM 50 ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Inta udhaxeysa magaalooyinka Marka iyo Afgooye ayey ka dhaceen labo weerar oo fashilmay oo lagu qaaday kolonyo Gaadiid ah oo ay saarnaayeen wasiirro ka tirsan xukuumadda Somalia.

Andrew Gutti oo ah taliyaha ciidamada Amisom ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray Maanta oo Talaado ah ku sheegay inay AMISOM sii wadi doonto mudnaan-siinta badbaadada shacabka Soomaaliyeed, isagoo intaas sii raaciyay inay AMISOM iyo dowladda federaalka Soomaaliya wadaan dedaallo lagu xaqiijinayo ammaanka gobolka Shabeellaha Hoose iyo Gobollada kale.

Gen. Andrew Gutti ayaa daboolka ka qaaday in AMISOM sii wadi doonto taageeridda dowladda Soomaaliya iyo dadaallada lagu dhisayo ciidan qaran oo xoog leh iyo sidii loo soo afjari lahaa khatarta ka imaanaysa kooxda al-Shabaab.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
















Log in | Designed by Jimcale