HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO


Waxaa la daabacay: Saturday, January 5, 2013 - 23:27:17
Waxaa la aqristay: 652 Jeer.

Chelsea oo xaaqday Southampton,Man United oo bad baaday iyo Man City oo dhaaftay Watford

Waxaa Qoray:

Ba ok
Chelsea ayaa daadka qaadsiisay kooxda Southampton markii ay ku dhaaftay 5-1 ciyaar ka ka tirsan koobka ugu faca weyn wadanka Ingriiska ee FA Cup-ka.

Weeraryahanka cusub ee kooxda Chelsea Demba Ba ayaa saftay kulankiisii ugu horeeyay ee kooxda The Blues.

Juan Mata ayaa noqday ninkii ugu horeeyay ee Ba ku soo dhoweeya garoonka dhexdiisa markii uu gool ugu deeqday daqiiqadii 35 aad xili Chelsea gool lagu lahaa.

Ba ayaa bandhigiisa sii waday isagoo mar kale shabaqa Taabtay taas oo la micno inuu ciyaartiisii koowaad ku dabaal dagay labo gool .

“Waxaan aad uu faraxsanahay qaabkii uu Ba uciyaaray ayuu Rafa Benites usheegay saxaafada ciyaarta kadib .

Xidigaha Lampard, Moses iyo Ivanovic ayaa raacsaday sadex gool ee kale .

Dhan kale kooxda United ayaa laga yaabsaday markii ay la ciyaartay kooxda West Ham waxaana United ay ubaahatay ciyaar kale oo isku celis ah markii ay ciyaartu ku idlaatay 2-2.

United ayaa goolka la horeysay waxaana udhaliyay Tom Cleverley laakin labo gool oo ka timid Collison ayaa United ku qasabtay in ay bar dhac raadiso waxaana daqiiqadii 90 aad ciyaarta ka dhigay 2-2 Van Persie.

Dhinaca kale kooxda City ayaa soo dhaaftay kooxda Watford ciyaar ku dhaamatay 3-0.

kooxda tababare Mancini ayaa goolasha ka heshay Tevez , Barry iyo Lopes

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale