HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO

Waxaa la daabacay: Thursday, December 6, 2012 - 01:30:55
Waxaa la aqristay: 536 Jeer.

Chelsea oo noqotay kooxdii ugu horeysay ee Champion ah oo ku harta Guruubyada, Yaasoo baxay yaase ka haray Tareenka?

Waxaa Qoray:


Kooxda Chelsea ayaa noqotay kooxdii ugu horeysay ee ku harta Championka iyadoo sannadkii hore ku guuleysatay koobkaani, waxaana ay taariikh ku reebtay koobkan maadaama aanan hore loo arkin koox difaacanaysa Championka oo lagu reebo isreeb reebka Guruubka.

Si kastaba ha ahaatee Chelsea ayaa caawa soo bandhigtay ciyaar aad loo jecleysto, iyadoo nus darsin goolal ah ku adkaatay oo ay goolasha ukala dhaliyeen laba Torres, rigoore waxaa saxiixay Luiz, Mata, iyo Oscar, laakin goolashaasi tirada badan waxba uma tarin ka dib markii Juventus ay ka badisay Shaktar.

Guuldarada ku dhacday Shaktar waxay horseeday in kaalinta koowaad ay Juventus xerato, halka Chelsea guuldaradaasi ay ka reebtay inaay usoo gudubto qeybta 16-ka.

Inkastoo Chelsea ay 10 – dhibcood leedahay oo goolalna ay ka horeyso Shaktar balse waxaay ku hartay in ay Shaktar hore ugu adkaatay. Sidaasi ayay Chelsea xisaabtan gali karin maadaama Shaktar iyo Chelsea ay hore u adkaatay Shaktar.

Guruubkaan ayaa Juventus ayaa 12 dhibcood leh, halka Shaktar ay leedahay 10 dhibcood, Chelsea oo iyadana leh 10 dhibcood waxaysannadkaan ka ciyaari doontaa koobka European Leagueha.

Dhanka kale waxaa soo baxay Bayern Munich iyo Valencia, Barcelona iyo Celtic inkastoo Messi oo gadaal laga soo galiyey uu dhaawac soo gaaray garoonkana laga saaray.

Laakin dhaawaca soo gaaray Messi ayaa radiyaha Barcelona ee Catalania wuxuu sheegay in dhaawacaasi uusan ahayn mid uu mudo ku maqnaan doono.

Manchester United iyo Galatasaray ayaa dhanka kale kasoo baxay waloow Man United gurigeeda caawa loogu awood sheegtay 0 – 1, waxaana guuldaro dhabarka usaariyey kooxda Cluj ee reer Romania. Laakin hore ayay u xaqiijisatay inaay u gudubtay 16-ka.

Galatasaray oo cawa ku adkaatay 1 – 2 ayaa usoo baxday qeybaha kale ee Championka.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
















Log in | Designed by Jimcale