1: Wednesday, December 12, 2012 - 18:08:35
2: 418 Jeer.

Chelsea oo dooqeeda koowaad ka dhigeysa Paulinho

Waxaa Qoray:


Kadib markii uu dhaawac soo gaaray laacibka khadka dhexe ee wadanka Spain Oriol Romeu ayaa waxaa ay hada bilawday in ay Chelsea hor mariso wada hadalada ay kula jirto laacibka wadanka Brazil Paulinho.

Xidigaan ayaa doonaya in uu soo dhaqaaqo yurub waxaana wada hadalo kula jira inta badan kooxaha waa weyn ee qarada yurub ,laakin Chelsea ayaa hada xoogeeda isugu geyn doonta laacibkaan .

Afayenka kooxda Chelsea ayaa usheegay jariirada Daily Star in baahidooda koowaad ee suuqa ay ka dhigi doonaan Paulinho ,madaama inta ka dhiman xagagan uu ka maqnaan doono xidiga wadanka Spain Oriol Romeu.

Laacibka kooxda Corinthians Paulinho ayaa sheegay in uu mar walba la soo xiriiro xidiga daafaca ee kooxda Chelsea David Luiz oo ay saaxibo isku dheer yihiin uuna ka dalbado in uu kooxda kula soo biiro.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale