HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO

Waxaa la daabacay: Thursday, February 21, 2013 - 10:34:23
Waxaa la aqristay: 42 Jeer.

Burcad badeed lagu maxkamadeynaayo Dalka Mareykanka

Waxaa Qoray:

cfdsfe

 

Maraakiibta Dagaalka Dalka Mareykanka ayaa gacanta ku dhigay Burcad badeed Soomaali ah Xilli ay doonaayen inay afduubtaan Maraakiib ganacsi ah, waxaana la filaaya in Maanta Burcadaasi Maxkamad lagu soo taago dalka Mareykanka.

Ciidamadda Badda ee la socday Maraakiibta Dagaalka Mareykanka ayaa sheegay in kooxdaasi burcad badeeda soomaalida ah ay rasaas ku rideen markab ay doonayeen in ay afduubtaan, waxa ayna sheegen in Dhawaaqa Rasaasta ay maqleen Ciidanka islamarkaana u gurmadeen Maraakiibta la afduuban rabay Hayeeshee ay halkaasi ku qab-qabteen Burcad badeed.

Saraakiisha la soctay Markabka ayaa Burcada la qabqabteen tiradooda ku sheegay 5-qof waxa ayna Tilmaamen in Burcadaasi ay ku wareejiyeen maxkamad ku taala Norflok, waxaana si toos ah u socda dhageysiga Maxkamadaasi oo lagu doonaayo in lagu kala xakumo Burcadda caadeysatay Dhicitaanka Maraakiibta.

Falkaasi ay kooxdaasi ku xabadyen markabkaasi ayaa waxa uu ka dhacay gacanka Cadan oo dhowr jeer ay kooxaha burcad badeeda soomaalida ay weeraro ka geesten. si kastaba ha ahaatee Maxkamadda ayaa la filaaya inay soo afjarto Dambiyada Burcadaasi oo in mudda ah lagu haystay Xabsiyada Dalkaasi Mareykanka waxaana iminka suura gashay in Maxkamadda ay dib usoo furto Kiiska Burcadaasi. 

 

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
















Log in | Designed by Jimcale