Waxaa la aqristay: 26 Jeer.
Burcad-baddeed Soomaali ah oo min toban sanno lagu kala xukumay.
Waxaa Qoray: Naciimo M. Abdi
Maxkamad ku taalla Caasimadda dalka Japan ee Tokyo ayaa shalay xukun ku riday labo burcad-baddeed Soomaali ah oo loo haystay fal-dembiyeedka Isku-day fal lagu afduuban lahaa Markab Booyadle oo Shirkad Japan u kireysnaa.
Garsooraha Maxkamadda, waxa uu min 10-sanno ku kala xukumay 2-burcad-baddeed magacyadooda lagu kala sheegay Mohamed Urgus Adeysey iyo Abshir Hussien Ali, kadib, markii lagu helay inay isku dayeen bishii March ee sannadkii 2011-kii inay qafaashaan Markab Booyadle Shidaal oo marayey meel ka baxsan Xeebaha dalka Cummaan.
Burcad-baddeedaasi oo da’dooda laguqiyaasy 20 ilaa 30-jir ayaa sheegi kari waayey da’dood, taasi oo keentay inay Maxkamadda xukunka u cuskatay Sharciga Japan ee loo cuskado Dembiyadda loo haysto ragga da’da yar.
Mid ka mid ah Garyaqaanadda difaacaysay labadasi qof, ayaa ku eedeeyey Garsoorka inaysan si fiicn u qaadin Kiiskaasi, oo ay turjumaanno ka kala ahaayeen Labo Turjumaan oo mid Luqadda Japanese-ka ku turjumayey Luqadda Englishka, halka Turjumaanka Englishka ku sii turjumayey Luqadda Soomaaliga.
Garyaqaanku, waxa kaloo uu sheegay inaysan Burcad-baddeeda wax khibrad ah u lahayn Nidaamka Garsoorka ee Japan
Fakarkaaga ka dhiibo
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
