Waxaa la aqristay: 462 Jeer.
Britain oo lagu xiray dad asalkooda Soomaali yahay, halka kuwa kalena laga soo masaafuriyay .
Waxaa Qoray: Naciimo M. Abdi
Hadal ka soo baxay Ciiddanka Metropolitian Police (Mt) ee dalka Britain ayaa lagu soo bandhigay in la qabtay Dembiilayaal shisheeye ah, kuwaasi oo loo arkay inay yihiin Dembiilayaal khatar ku ah Amniga dalka Britain.
Dembiilayaasha ugu badan waxay asal ahaan ka soo jeedaan Toban Waddan oo kala ah:- Somalia, Nigeria, Jamaica, Poland, Portugal, Pakistan, India, Lithuania, Ireland iyo Romania.
Sidoo kale, in ka badan saddex boqol oo Dembiilayaal shisheeye ah oo ay Somali ku jiraan ayaa laga soo masaafuriyey dalka Britain, tan iyo markii ay Hawlgalka Wadajirka Boliska Metropilitian iyo Ciiddanka Ilaaladda Xuduudaha u qaadeen bishii September ee la soo dhaafay.
Sidoo kale, Ciiddanka Boliska ee tiradda badan ee dalka Britain ayaa ku hawlan sidii ay u qoran lahaayeen Unug Ciiddamo Bolis shisheeye ah, si ay gacan uga geystaan aysa ee uga imaanaysa dalalka ka baxsan Baddaha.
Taliska Ciiddanka Metropolitan Police ee dalka Britain ayaa sheegay inay ka codsadeen Midowga Europe lacag dhan 2.2 million oo Euro, una dhiganta £1.9 million Pound si ay ugu kharaj gareeyaan inay Ciiddamo Bolis oo shisheeye u noqdaan Boliska Labaad ee la hawlgal.
Ciiddamadaasi ayaa la sheegay inay noqon doonaan kuwa lala qeybsado dhinaca Mukhaabaraadka iyagoo ku xiran Metropolitian Police (Met).
Hadal ka soo baxay Met ayaa lagu sheegay inay wada-xaajood la leeyihiin Boliska dalalka Lithuenia, Ireland si ay ugu soo biiraan Ciiddankaasi Gaarka, waxaana lagu wadaa in la ballaariyo ciiddankaasi oo haatan hal unug lagu bilaabayo (one unit).
Ciiddankaasi kooban ayaa la fahamsan yahay inuu qeyb ka noqon doono Hawlgalka (Operation Nexus) ee u xilsaaran inay wax ka qabtaan Dembiilayaasha shisheeyaha ee ku sugan gudaha magaalladda London.
Ilaa 30-Saraakiil Bolis ayaa lagu wadaa in la daadgureeyo saddexda sanno ee soo socota, si ay uga qeyb galaan Hawlgalka Ciiddanka Gaarka.
Muwaadiniin badan oo haysta Dhalashadda dalka Britain ayaa la rumeysan yahay inay ka mid noqdeen Dagaalyahanniinta ka feer dagalama Kooxha Islaamiyiinta ee dagalladda ka wada dalalka Somalia, Pakistan, Yeman, Afganistan, Mali iyo Suurya.
Waxaa Turjumay Ustaad Nuradin Abokar Ahmed ‘’Diini yare’’
Fakarkaaga ka dhiibo
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

When I first saw this title Britain oo lagu xiray dad asalkooda Soomaali yahay, halka kuwa kalena laga soo masaafuriyay . | Warar Xaqiiqo ah on google I just whent and bookmark it. Thanks a lot for what you posted. I tend to agree with most of what you said.
kkkkkkkkkkkkkkkk dagalku mar dhaw yurub ayuu ka bilaabmaya waa idiin dhamatay hadad gala tihiin adinka iyo shaqalahiinaba