1: Saturday, February 2, 2013 - 18:18:27
2: 340 Jeer.

Boqoradda dalka Netherlands oo xilka ka degayso, xilli ay Boqoradda dalka Britain kursiga u hamuun qabto

Waxaa Qoray:

Queen Beatrix Of The Netherlands Announces Her Abdication

Boqoradda dalka Netherlands (Holland), Beatrix ayaa ku dhawaaqday inay bisha April 30-da ka degi doonto xilkaasi.

Boqoradda oo haatan 75-jir ah, ayaa waxay Xilkaasi ku wareejin doontaa wiilkeeda William Juliana oo 45-jir ah.

Dadka Reer Holland oo tiradoodu dhan tahay 17 million oo qof ayaa soo dhaweeyey Tallaabadaasi, inkastoo aysan wax Talo ahaan ku lahayn Maamulka Boqortooyadda ku dhisan.

Dhinaca kale, Boqoradda dalka Britain, Elizabeth II ayaa sheegtay inaysan xilkaasi ka degi doonin, inkastoo dadka Reer Britain jeclaan lahaayeen in isbedel ka dhaco dhinaca Hoggaaminta Boqortooyadda.

Queen Elizabeth oo 86-jir ah, ayaan sheegin inay Xilkaasi uga degi doonto Wiilkeeda, Prince Charles oo 64-jir ah, oo isagu ku naalloonayo inuu mar uun Boqor ka dhacdo dalka Britain.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale