Waxaa la aqristay: 232 Jeer.
Bonucci “waxaan ubaahanahay in aan ku aadno Real Madrid 16-ka”
Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farax "Raafac"

Daafaca kooxda Juventus iyo xulka Italy Leonardo Bonucci ayaa sheegay in uu doonayo in wareega 16-ka ee Champions League ay ku soo aado kooxda ugu guulaha badan koobka horyaalada yurub ee Real Madrid .
The Old Lady ayaa ku soo baxday booska koowaad ee Group-ka E markii ay 1-0 ku garaceen Shakhtar Donetsk waxaana ay taasi dhexal siineysa in ay la kulanto midood kooxaha Madrid, Porto, Arsenal, Valencia, Celtic ama Galatasaray.
“Waxaan eegeynayaa ciyaar adag iyo koox adag maxaa yeelay kooxaha ku soo baxay labaadka waxaa ku jira kuwo adag ayuu yiri Bonucci.
“Kaliya waxaan ubaahanahay in aan ku aadno Real Madrid,waxaan ogahay in ay wax walba ay adkaanayan markii la gaaro heerkaan oo kale ,laakin waxaan ubaahanay Madrid maxaa yeelay waligey kuma ciyaarin Santiago Bernabeu ayuu hadalkiisa ku daray
Fakarkaaga ka dhiibo
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨



