HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO


Waxaa la daabacay: Thursday, March 21, 2013 - 10:30:51
Waxaa la aqristay: 264 Jeer.

Boliska Kanada oo baadigoobayo Gacan-ku-dhiigle Somali.

Waxaa Qoray:

 

 

Hadal ka soo baxay Boliska Magaaladda Edmonton ee Dalka Kanada ayaa loogu baaqay Jaaliyadda Soomaalida ee degan Magaaladdaasi inay gacan ka geystaan sidii loo soo qaban lahaa Gacan-ku-dhiigle Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Hassan Isse Ismail, kaasi oo dil geystay dabayaaqadii sanadkii hore.

Boliska ayaa rumeysan in Hassan Isse Ismail oo 30-jir ah Mas’uul ka ahaa Geerida Marxuum la oran jiray Aden Ahmed oo 24-jir ah kaasi oo Gacan-ku-dhiigluhu Tooreey la dhacay ilaa uu ka geeriyoodo Marxuumkaasi oo la dilay Bishi November 19, 2012.

Saddex Alifle Bill Claek oo ka tirsan Waaxda Dembi baarista Dilalka ee Boliska Magaaladda Edmonton ayaa shalay Shir jaraa’id ka sheegay in amar soo qabsho loo jaray Gacan-ku-dhiiglahaasi looga baadigoobayo Kanada (a Canada-wide warrant), iyadoo la sheegay inuu Gacan-ku-dhiiglaha Dhuumaaleysi ku jiro.

Boliska Edmonton waxay soo daabaceen qoraalo Sawir leh oo looga codsanayo dadweynaha inay gacan ka geystaan sidii loo ogaan lahaa halka uu ku sugan yahay Gacan-ku-dhiiglaha.

Boliska waxay Sawirka Gacan-ku-dhiiglaha la baadigoobayo ku dhejiyeen Goobaha Ganacsiga ee ku yaala Magaaladda Edmonton.

Si kastaba ha ahaatee, Tirada Soomaalida isku dooxda ama isku disha gudaha Dalka Kanada ayaa sii kordheyso, waxaana la diiwaan galiyay in ka badan 50-dhalinyaro Somali-Canadian isku dileen Dalkaas.   

Fakarkaaga ka dhiibo

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

2 Comments for “Boliska Kanada oo baadigoobayo Gacan-ku-dhiigle Somali.”

  1. I will right away grab your rss feed as I can’t find your email subscription link or e-newsletter service. Do you have any? Please let me know so that I could subscribe. Thanks.

  2. I have been checking out some of your stories and it’s nice stuff. I will make sure to bookmark your site.

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale