HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO

Waxaa la daabacay: Wednesday, December 12, 2012 - 17:35:35
Waxaa la aqristay: 455 Jeer.

Beyonce oo odeygeeda Jay- Z’ hadiyad ahaan u siisay saacad joogta 4-milyan.

Waxaa Qoray:


Gabadha heesaha qoobka ciyaarka ah ku dheereysa ee Beyonce ayaa ninkeeda Jay-Z hadiyad uga dhigtay dabaal degga dhalashadiisa 43-aad saacad ku fadhida aduun dhan 4-muilyan oo yuuro, waxaana saacadu ka sameysantahay dhayman.

Sida ay sheegtay idaacad ka faaloota arimaha fanka oo laga leeyahay Faransiiska, in Jay Z’ in badan la cajabay saacadda, waxaana la ogsoonyahay in Beyonce ay haray ugu hadiyaysay ninkeeda Diyaarad jooga 30-milyan sanadki hore.

Qoyskaan waxaa lagu tilmaamaa inay yihiin labada ugu caansan fanka lamaanaha ah, sidoo kale Beyonce ayaa horay ugu hadiyaysay ninkeeda Z faraanti qaali ah oo ku fadhiya 1000-$ iyo Gaari jooga 2-milyan$.

Sida ay warbixintu sheegtay Jay Z ayaa isna ku bixiyay gacalisadiisa 600-kun$ isagoo ugu iibiyay Faras yar oo dahab kasameysan, waxaa kale uu siiyay boorso joogta 350-kun oo dolar, 2010, isagoo isla sanadkaas dhalashadeeda hadiyad uga dhigay Jaziirad qiimeheedu yahay 20-milyan oo doolar.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
















Log in | Designed by Jimcale