1: Thursday, January 3, 2013 - 21:50:04
2: 97 Jeer.

Bambo gacmeed qasaaro geysatay xalay lagu weeraray guriga afhayeenka Golaha Sare ee Culumaa’udiinka Ahlu Sunna

Waxaa Qoray:

Sh.Soomow

Xalay waxaa bambo gacmeed lagu weeraray guriga uu degan yahay afhayeenka Golaha Sare ee Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca Sheekh C/qaadir Sh. Maxamed Soomow ee ku yaala degmada Yaaqshiid oo ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in bam gacmeedka lagu soo tuuray guriga ay ku dhaawacmeen ilaa shan ruux oo qaarkood dhaawacoodu culus yahay, kuwaasi oo lagu dabiibayo isbitaalada magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah kooxaha bam gacmeedka ku weeraray guriga Sheekh Soomow ayay uga soo weerareen qeybta dambe ee guriga oo ahayd meel luuq ah oo ku dhow xaafadaha tookiyada Yaaqshiid loo yaqaano, kuwaasi oo goobta ka baxsaday isla markaana isaga cararay goobtaasi.

Dhinaca kale Afhayeenka Golaha Sare ee Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca Sheekh C/qaadir Sheekh Maxamed Soomow oo qadka isgaarsiinta nagula soo xiriiray ayaa sheegay in xalay weerarkii labaad lagu soo qaaday gurigiisa, isagoona sheegay in weerarkii ugu horeeyay ay ku geeriyootay haweeney waayeel ah oo ku xanuunsaneyd gurigiisa, isla markaana ay ehel ahaayeen taasi oo daryeel caafimaad aawgii baadiyaha looga keenay.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale