1: Friday, December 7, 2012 - 19:03:11
2: 796 Jeer.

Balotelli oo oo ku farxay in uu Aabbe noqday, kadib markii cunug loo dhalay

Waxaa Qoray:


Xidiga sare ee kooxda Man City Mario Balotelli ayaa isagoo dhoola cadeynaya usheegay jariirada Daily Mail ee kasoo baxda UK in uu Aad ugu faraxsan yahay cunuga loo dhalay

Super Mario Balotelli ayaa isagoo jooga Ingiriiska waxaa saaxiibtiisa Raffaella Fico ay Gabar ugu dhashay magaallada Napoli ee Koonfurta Talyaaniga.

Saxaafadda Talyaaniga ayaa saakay shaacisay in gabadha Reer Talyaani ee dhinaca Xayaysiinta Dharka ku caan baxday Raffaella Fico ay ku umushay Isbitaalka Dhalmada ee “Clinica Mediterranea Via Orazio” waxaana gabadha Balotelli u dhalatay ay u bixisay magaca “Pia”.

Balotelli oo kal hore Uurkani aqbalay markii loo kala qaaday tijaabada Dhiigga lagu ogaado lahaanshaha Ilmaha ee “Paternity test”, waxaana laga yaabaa in Balotelli uu gabadhiisan ugu horreysay mageceeda ku qorto jirkiisa si uu ugu daro Farshaxanka dhowrka nuuc ah ee ku qoran jirkiisa.

Uurka Raffaella Fico ayaa saxaafaddaha kala duwan goor sii horreysay ay ku tilmaameen in ay yihiin Mataano, taasoo aan noqon sidii ay u saadaaliyeen.

Mario waxa uu haatan isu diyaarinayaa kulanka culus ee Toddobaadka soo socota ay Manchester City garoonkeeda kula yeelan doonto kooxda Manchester United ee ka tirsan Horyaalka Ingiriiska.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale