HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO


Waxaa la daabacay: Tuesday, December 11, 2012 - 16:25:21
Waxaa la aqristay: 257 Jeer.

Baarlamaanka oo su,aalo weydiyay labo ka mid ah wasiirada Somalia

Waxaa Qoray:


Wasiirka Arrimaha dibadda ahna raysalwasaare kuxigeenka dawladda federaalka Soomaaliya Marwo Fawsiya Yusuf Xaaji Adam, iyo Wasiirka Gaashaandhiga Cabdixakiim Xaaji Maxamuud Fiqi, ayaa maanta su’aalo lagu weydiiyey Xildhibaanada baarlamaanka hortooda.

Fadhigii maanta su’aalaha lagu weydiinayey wasiiradan waxaa soox aadirey 145 Xildhibaan, waxaana shirguddominayey Afhayeenka baarlamaanka prof.jawaari.

Labada wasiir ayaa horey Shirguddoonka baarlamaanku ugu yeeray si ay uga jawaabaan su’aalo la xiriira shaqadooda, kadib markii qaar kamid ah Xildhibaanadu codsadeen.

Wasiirka Arrimaha dibadda ayaa la weydiiyey waxa ay kala socota wararka sheegaya in la gatey dhismihii safaaraddii Soomaaliya ku lahayd dalka Talyaaniga iyo inla kireeyey.

Marwo Fawsiya Yusuf Xaaji ayaa arrintaas uga jawaabtey in ay guddi u saareen isla amrkaana daba galayaan arrintaas wixii ka soo baxana ay horgeyn doonaan baarlamaanka Soomaaliya. Waxaana ay raaligelin ka bixisey in arrintaas baarlamaanka aan lala socodsiin haddana ay ku daba jiraan sidii loo soo afjari lahaa.

Safiirka Soomaaliya u qaabilsan dalka Talyaaniga iyom weliba dalalka la isku yiraahdo Benelux Nuur Xassan Xusseyn (Nuur Cadde) ayaa sheegay in dhismihii safaaraddii Soomaaliya ay ku lahayd Talyaaniga la kireeyey si dayactir loogu sameeyo waa sida hadalka uu u dhigaye taas oo shaki badan la geliyey.

Dhanka kale Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa la weydiiyey sababta loo xirey weriyihii idaacadda BBC -da Ibrahim Maxamed Adam kadibna loo sii daayey.

Wasiirka oo ay la socdeen Guddoomiyaha maxkmadda ciidanka qalabka sida Muungaab, iyo xeer ilaaliyaha guud, ayaa sheegay in weriyaha loo xirey kadib markii u ku been abuurtey maxkmadda ciidanka isla markaana sheegay nin toogasho lagu xukumey in aan wax qareen ah loo qaban lana soo eedayn.

Wasiirka ayaa sheegay in weriyuhu shaqada ku cusbaa isla markaana maxkmadda horteeda ka caddeyn waayey warkii uu sii daayey ee uu sheegay in uu ka soo xigtey aabaha ninka la diley, ugu danbeyntii waxaa yimid Muqidsho wefdi ka socda BBC kuwaas oo raaligelin ka bixiyey warka ay baahiyeen ayuu yiri wasiirku.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u muuqda kuwo la soo baxay la xisaabtan dhab ah isla markaana ku dabo galaya wasiirada waxyaabaha dalka iyo hantidada qaranka wax u dhimaya, taas oo horey aan looga baran in lala xisaabtamo wasiirada.

Fakarkaaga ka dhiibo

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

7 Comments for “Baarlamaanka oo su,aalo weydiyay labo ka mid ah wasiirada Somalia”

  1. I am not real fantastic with English but I come up this real easy to translate.

  2. electric bikes are genuinely cheaper and efficient. That is a huge saving cost compared to gasoline consumption.

  3. Lovely just what I was searching for.Thanks to the author for taking his clock time on this one.

  4. I have been examinating out some of your stories and i can state pretty nice stuff. I will make sure to bookmark your blog.

  5. Wow , I remeber it well especially in 1956.The races have been for the significantly west runway so that planes could land while in the center runway if one came along.br /At a person race a different ’56 T bird blew up its transmission at the conclusion of the race within a fireball (driver was OK), as well as airport firetruck intended for air crashes responded lumbering across the field and both equally runways.It absolutely was a used earth war II firetruck painted seafoam green.br /The prime speed in the day was from the ’32 open roadster,no fenders,Cadillac engine-open pipes,transmission in 2nd and then shift to 3rd for 153 mph…lots of smoke and noise.br /I raced my ’56 ford victoria at Irwindale ,also a popular track.br /Most of us from Pasadena area bought our speed equipment from Blair’s Speed shop on Foothill blvd.br /I noticed the vast majority of those teenagers within the photo are now 70 or older like me.br /That exact same runway now handles Boeing 757s

  6. Fantastically revealing cheers, I do believe your trusty audience might probably want significantly extra reviews like this continue on the fantastic energy.

  7. cade

    masha allaah waan soo dhoweyneynaa aduunkaba wuxu hor umar ku gaaray waa xisaabtan lakiin dadkaan liska tooganaya hala joojiyo hala baaro hala xaqiijiyo qofka horey yanan laga xukumin awal soomali horey ubaa ba,day … waxaa iga su aal ah muxuu kasoo doonay gadoomiyaha maxkamada meeshan shaqadiisa maba ahane WAA WAX LALA YAABO BAARLAMAANKA IYO WASIIRO KALIYA AYAA LOO BAAHNAA MESHAAN MISE MA WAXUU DOONAYAY IN UU MEEL WALBO TAAGNAADO NINKAAN WUU FUDUD YAHAY WAA INA QOFKALOO WANAAGSAN LAGU BEDELAA HADUU SHAQADIISA SIWANAAGSAN U QABSAN WAAYO WAYO DADBAA LA SU AALAYAA ASAGA MAXAA KEENAY MESHA ANY WAY SIDAACAD AH AYAY KU SOCOTAA HADA ILAAH HA HAGAAJIYO SOMAALIYA

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale