Waxaa la aqristay: 280 Jeer.
Baaq ku socda Madaxweynaha iyo Wasiiradda arrimaha dibadda Somalia
Waxaa Qoray: Naciimo M. Abdi
Tripoli:- Muhaajiriinta soomaalida ee ku xiran Xabsiyada dalka Libya ayaa baaq u diray Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud iyo Wasiiradda arrimaha dibadda Somalia Fozia Haji
Baaqa ka soo baxay Soomaalida iminka ku jirta Xabsiyadda Libya ayaa sheegay in laga soo saaray xilli ay ku jireen hoygooda halka tiro qaarna laga soo qabtay xilli ay maraayen wadooyinka
Baaqa oo qoraal ah ayaa soo gaaray Shabakadda Soomaalidamaanta waxa uuna u qornaa sida:-
BAAQ:-
C/llahi Yasiin Aniga oo ku hadlaaya Afka soomaalida ku jirta xabsiyada Libya waxan ugu baaqaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Xasan Sheikh Maxamuud iyo Wasiiradda arrimaha dibadda Fowzi Haji inay wax ka qabtaan gumaadka noolugu dhex geysanaayo gudaha xabsiyada iyo banaanka
Waxan gaareynaa inta ku jirta xabsiyada in kabadan 400 oo soomaali ah, waxaa nalaga soo aruuriyay anaga oo ku jirna guryaheena waxaana guryaha noogu soo galay Ciidamo ka tirsan kuwa Libya waxayna nageeyen Xabsiyada
Waxaa jira soomaali badan oo guryaha lagala baxay kuwas oo aan la garaneynin halka ay ku dambeeyan, waxan xukuumadda ugu baaqeynaa inay naga soo garto waxna nooqabato
Gabagabo waxan nahay dad aan heysan nolol waxan ku suganahay xabsiyo aan wali la arkin waxaana codsaneynaa in gacan ay nasiiso xukuumadda lagu riyaaqay ee soomaaliya xiligaani u dhalatay, waxan rajeyneynaa in baaqa aan u dirnay xukuumada ay wax ka qabato maadama dhowr bilood aan ka reysanay dhibaatada hadana waxaa nagu soo laabtay dhibaatooyinkii na heysan jirtay
Waxaa qoray Baaqa aniga oo ah :-
C/llahi Yasiin ‘c/llahi yare’
Abdulahiyare254@hotmail.com
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
