1: Monday, December 10, 2012 - 18:38:46
2: 58 Jeer.

Baalamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho

Waxaa Qoray:

 

Waxaa maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho Baarlamaaka Soomaaliya kaasoo ay kaga doodeen arrimo badan.

Kulankan oo uu shirguddoominayey guddoomiyaha Baaralmaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa si caadi ah u daah furay, waxaana markaa kaddib xildhibaannadu ay guda galeen u jeedada kulankan.

Kulankan ayaa ujeedadiisa ugu weyn waxay ahayd sidoo baarlamaanka Soomaaliya loo horkeeni lahaa Wasiirka gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya iyo wasiirka arrimaha dibada dalka Soomaaliya si su’aalo loo weydiiyo.

Maxamed Cusmaan Jawaari guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ay ka qeyb galayso kulanka soo socda, islamarkaana sida uu yiri ay soo jeedisay in ay ka soo qeyb galayso kulankaa, haddii kale ay soo qoreyso warqad ay su’aalaha uga soo jawaabayso.

Kasoo qeyb galid la’aanta kulanka ee Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa loo sababeeyey in uu ku maqan yahay howlo shaqo oo uu mashquul yahay.

Intii uu socday kulankaas ayaa mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya waxay ka hadleen arrimo kale oo la xiriira in gobollo ka mid ah Soomaaliya laga qaado Shidaal.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo arrintaas ka jawaabayana waxa uu sheegay inay Baarlamaanku ay soo qoraal qoraal ay ku faah faahinayaan arrintaas, kaddibana shirka ayuu soo xiray Mr. Jawaari.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale