1: Sunday, February 3, 2013 - 10:05:36
2: 183 Jeer.

Askari Kenyaati ah oo ka mid ahaa kuwii ka laabtay Hawlgalka Somalia oo lagu dilay Degmadda Wajeer.

Waxaa Qoray:

nairobi-church-grenade-340_227

Abaarihii xalay 8:30 pm ayaa waxaa qarax xooggan laga maqlay meel ku dhow Saldhigga Boliska ee Degmadda Wajeer ee Gobalka W/bari ee dalka Kenya, iyadoo uu qarxaasi sababay dhimashoiyo dhaawac.

Qaraxaasi ayaa waxaa loo maleeyey inuu geystay qof nafti-halige ahaa, laakiinse waxaa markii dambe la aqoonsaday qofkii ku geeriyooday qaraxaasi.

Hadal ka soo baxay Hay’ddaha Amniga, ayaa lagu sheegay inuu nin watay bam-gacmeed uu bamkii ku tuuray mid ka mid ah Askarta Kenya ee dhawaan ka soo laabtay Hawlgalka ay Ciiddamadda Kenya ka wadaan goballadda Jubbooyinka Somalia.

Wararku, waxay sheegayaan inuu Askarigii ku geeriyooday qaraxaasi, kuna dhaawacmeen gabar saaxiibtiisa ah oo la socotay markii la weeraray.

Sidoo kale, Labo Sarkaal iyo hal Askari ayaa ku dhaawacmay Weerarkaasi.

Ma jirto cid loo qabtay weerarkaasi fiidnimaddii xalay ka dhacay Degmadda Wajeer.

Dhinaca kale, ma aha weerarkii ugu horreeyey ee Degmadda Wajeer ka dhaca, iyadoo habeenkii Khamiista ee la soo dhaafay ay saddex Askari ku dhaawacmeen bam lagu weeraray.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale