1: Thursday, February 21, 2013 - 11:15:10
2: 500 Jeer.

Askar ka tirsanaa Ciidamadda Xooga Dalka oo Saakay lagu toogtay Magaaladda Muqdisho.

Waxaa Qoray:

dfdfedfef 

Maxkamada ciidamada qalabka sida Qeybta Magaaladda Muqdisho ayaa waxa ay subaxnimadii saakay Dil Toogasho ah ku fulisay Askar ka tirsanaa Ciidamadda Xooga Dalka Somalia, oo la sheegay inay Geesteen Dil toogasho ah

Askarta la toogtay ayaa lagu sheegay inay ahaayen Saddax Askar waxa ayna Toogashada ka dhacday Barxadda Iskuul Buluuziyo ee Magaaladda Muqdisho, Goobta dilka uu ka dhacay ayaa waxaa ku sugnaa Saraakiil ka tirsan Ciidamadda Xooga dalka Somalia kuwaasoo indha-indheynaayay qaabka ay u dhaceysay Toogashadda.

Liibaan Cali Yaroow Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamadda Qalabka sida ayaa sheegay in ragga saakay la dilay ay dilal u kala duwan u geesteen Ciidamo iyo dad rayid ah islamarkaana ay qirteen inay dilka geesteen.

Guddoomiyaha waxa uu sidoo kale sheegay in Saddaxda Askari ee la toogtay uu ku jiray Hal askari oo laba Xidigle ah, waxa uuna sheegay Guddoomiyaha in Sarkaalkaasi uu geestay Dil bareer cad ah.

Si kastaba ha ahaatee Dilka Saakay lagu fuliyay Ciidamadda ayaa waxa uu kamid yahay Qorshaha Maxkamadda ay ku sheegtay inay ku fulin doonto Askarigii geysysta Dil aan sharciga waafaqsaneyn.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale