Waxaa la aqristay: 442 Jeer.
Arsenal oo udhaqaqday Angelo Ogbonna
Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farah

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramaya in ay udhaqaaqday daafaca xulka Italy Angelo Ogbonna ,kaas oo la sheegay in ay The Gunners ergo udirtay .
Daafaca kooxda Torino oo shan kulan uciyaaray xulka Azzuri ayaa waxaa sidoo kale la sheegay in ay dabagal ku heyso kooxda Manchester United.
Jariirada Daily Mail ayaa ogaatay in kooxda The Gunners ay wakiilo udirtay laacibkan soo eega kulan ay kooxdiisu 2-1 uga adkaatay kooxda Atalanta Axadii la soo dhaafay.
Gudoomiyaha kooxda Torino Urbano Cairo ayaa la sheegay in uu diyaar uyahay in uu lumiyo ciyaariyahan Angelo Ogbonna xagaagan hadii uu ku helo qiimo wanaagsan .
Tababare Wenger ayaa sheegay in kooxdiisu ay ubaahan tahay dib udhis guud .
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨