Waxaa la aqristay: 401 Jeer.
Arsenal oo qarka usaaran inaay ka harto Championka ka dib Munich oo ku garaacday Emirates: DAAWO SAWIRADA
Waxaa Qoray: Mohamed Abdulle Hassan "Siidi"

DAAWO SAWIRADA: Waxaa mugdi soo galay jagada Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ka dib markii ay Bayern Munich ku garaacday garoonka Emirates Stadium.
Daqiiqadii 7-aad ayaa kooxda Bayern Munich heshay goolkooda koowaad uu dhaliyey Kroos taaasoo ay kasoo shaqeeyeen Ribery iyo Lahm.
Munich ayaa goolkii labaad markale ay heleen daqiiqadii 27-aad waxaana uu ahaa mid koone laga soo laaday uu madaxa la helay Van Buyten hase yeeshee goolhaye Szczesny oo kedis ku ahaa laadkaasi ayaa si hal haleel ah usoo saaray balse meel agtiisa ah ayuu dhigay taasoo uu Múller ka faa’ideystay oo shabaqa ku riday.
Goolkaasi dhashay ayaa waxaa sabab u ahaa difaaca dhexe Mertesacker oo iska fiirsaday madaxeynta Van Buyten, sidaasi ayaa lagu kala nastay.
Markii la isugu soo laabtay aaya Arsenal lasoo baxday fir fircooni iyo baasas cajiib ah waxayna helaan laad koone ahaa oo madaxa ku dhaliyey ciyaaryahan Podolski, ciyaartana waxay noqotay 1 – 2.
Goolkaasi uu dhaliyey Podolski ayaa rajo weyn galisay waloow uu Wenger uu dibadda u saaray ciyaaryahanka goolka dhaliyey laakin ciyaaryahankii uu ku badalay ee Giroud ayaa baas uu ka helay Walcott oo ahayd fursad qaali ah ayuu ku aadiyey goolhaye Neuer kaasoo isna badbaadiyey.
Fursadaasi ayaa ugu danbeysay oo ay hesho Arsenal, waxaana dhanka kale ka faa’ideystay Bayern Munich oo badal kusoo galisay Robben kasoo kubad uu helay usalaxxay ciyaaryahan Lahm isagoo isna bartanka u dhigay goolka afkiisa waxaana shabaqa bartanka u dhigay ciyaaryahan Mandzukic ciyaarta waxay kusoo afjarantay 1 – 3.
Kulanka xiga ayaa waxaa Munich ka maqnaan doona Schweinsteiger kaasoo qaatay jaalihiisa labaad.
Labada dhinac waxaa ukala saftay:
Arsenal: Szczesny, Sagna, Mertesacker, Koscielny, Vermaelen, Arteta, Wilshere, Ramsey (Rosicky 71), Cazorla, Podolski (Giroud 71), Walcott.
Badal aan la isticmaalin:Mannone, Diaby, Oxlade-Chamberlain, Coquelin, Jenkinson.
Bayern Munich: Neuer, Lahm, Van Buyten, Dante, Alaba, Javi Martinez, Schweinsteiger, Muller, Kroos (Gustavo 73), Ribery (Robben 83), Mandzukic (Gomez 78).
Badal aan la isticmaalin: Starke, Shaqiri, Rafinha, Tymoschuk.
Garsooraha ayaa ahaa: Svein Oddvar Moen (Norway)
Kasoo qeybgalayaasha: 59,974
Fakarkaaga ka dhiibo
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨























8P3KZ4 Really appreciate you sharing this blog article.Much thanks again. Really Cool.
Waayo wax aad meesha kuheysaan malahan hadii koox yar idin garaceyso mid weyne warkeeda daa. Hadii aad daafacyo wanaagsan keentaan wax inaad qaadaan waalaga yaabaa lkn intaa kuwaan dooro biyo kudhacay aad umaleysaan ey joogan waligiin heer magaareysan. Viva man untd
Arsinal. Isaga har kooooob kasta oo aad kaqeyb gasho kuba laabo horiyaalka heerka labaad