1: Wednesday, December 12, 2012 - 09:01:57
2: 671 Jeer.

Arsenal oo €110milion ugu talo gashay suuqa kala iibsiga bisha January

Waxaa Qoray:


Kooxda The Gunners aya rabta in ay is xoojiso suuqa kala iibsiga marka uu furmo si kaalinta afrad xita horyaalkahe Premier League aysan u waynin.

Tageeryaasha kooxdaan aya indhaha ku wada haya lacago faro badan oo loogu talo galay in kooxdan lagu xoojiyo

Macalinka labad ee ugu waqtiga dheer horyaalka dalka Ingariiska Arsene Wenger ayaa aminsan in uu u bahan yahy ugu yaran shan waji oo cusub marka uu suuqa kala iibsiga furmo .

Waxa jirta in kabadan €75 million oo lacago kaash ahaan lagu helay oo lagalin doono suuqa bisha January, oo lagu daray €37m oo ku hartay suuqii hore xagii aan soo dhaafnay , waxaan sii jirta dhaaqalo ka soo gali doono kooxda hishiis cusub oo dhan €186m oo maal galin ah oo kooxda ay la gashay Emirates kasoo ku eg sanadka 2014.

Ciyaaaryahanada uu ku rad jooga macalinkan waxa ugu cadcad laacibka Crystal Palace Wilfried Zaha, gool hayah kooxda Liverpool Pepe Reina iyo weeryahanka kooxda Atletico Madrid Adrian Lopez. halka Thierry Henry uu qaab amah mar kale kooxdiisii hore uu dib ugu soo laabanayo taasoo noqoneysa markii sedexaad uu kooxda ku soo biiro

Dhinaca kala waxa kooxda beec ka ah , Andrey Arshavin, Marouane Chamakh, Sebastien Squillaci, Lukas Fabianski and, iyo Emmanuel Frimpong .

 

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale