1: Thursday, January 3, 2013 - 18:49:58
2: 71 Jeer.

AMISOM oo Fariisin Cusub ka Sameystay Duleedka Magaalada…..

Waxaa Qoray:

amisom
Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Baledweyne ayaa maanta fariisimo cusub ka sameystay duleedka galbeed ee Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Ciidamada Jabuuti ee qeybta ah howlgalka AMISOM ayaa maanta dagay galbeedka magaalada Baledweyne, halkaasoo ay ka sameysteen fariisin cusub oo ay kala socdaan dhaq dhaqaaqa amaan ee magaalada.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada loo geeyay halkaasi si xal loogu helo amni darada ka jirta galbeedka magaalada Baledweyne oo ay sheegeen maamulka in dadka lagu dilo.

Magaalada Baledweyne qeybta Galbeedka ayaa waxaa ka dhaco falal lidi ku ah amaanka,waxaana maalmihii ugu dambeeyay ka dhacay dilal qorsheysan.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale