Waxaa la aqristay: 403 Jeer.
Amiin Caamir oo Farshaxankiisa ku muujiyey Xarigga Wariye Koronto iyo dhibanayaasha la xiran!!
Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farax "Raafac"
Amiin Caamir Farshaxamiista Weyn ayaa waxa uu Farshaxankiisa ku muujiyey Xarigga loogeystay Wariye C/casiis Koronto iyo dhibanayaasha kale ee la xiran kuwaas oo ku jira wali gacanta Dowladda kuna Xiran Xabsiga dhexe ee Muqdisho.
Sawirka uu soo bandhigay Amiir Arts ayaa waxa uu ku muujiyey Haweeneyda la kufsaday, ninka qaba Haweeneydaasi iyo Wariye C/casiis koronto oo uu mid waliba caddeeyey waxa lagu haysto sida aad ku aragtaan Sawirka Hoose.
Suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo Hay’adaha u dooda xuquuqda Wariyeyaasha iyo bini’aadanimada ayaa horay u cambaareeyey xarigga lagu haysto Dadka uu ka midka yahay wariye Koronto, islamarkaana sheegay in awood ciidan loo adeegsanayo.
Farshaxamiiste Amiin Arts ayaa mar waliba farshankiisa kaga hadla Marxaladda markaa taagan.
Eeg Sawirka uu Amiin Arts ka sameeyey Xariiga Wariye koronto iyo dadka la xiran
Fakarkaaga ka dhiibo
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨




Wanka xumahay dhibatada logesto wariyasha somaliyed