Waxaa la aqristay: 977 Jeer.
Alshabaab oo la ogaaday halka Hubka iyo taageeraha ay ka helaan.
Waxaa Qoray: Naciimo M. Abdi
Qoraal dheer oo kasoo baxay Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay gaar ahaan waaxda dabagalka ayaa waxaa lagu sheegay in Al-Qacidada Somalia ee Al-shabaab Taageero hiil iyo hooba ay ka helaan Dowlado ay kamid tahay Yemen iyo Iran kuwaasoo ay Golaha ku sheegen inay ka qeyb-qaaten Bur-burka Somalia sida laga soo xigtay Wakaaladda Reuters
Wakaaladda Reuters ayaa Qortay in Hubka Al-Qacidada Somalia ee Al-shabaab la soo marsiiyo dhanka Yemen waxa ayna qoraalkeeda ku sheegtay in Xukuumadda Iran ay iska fogeyneyso Eedeymo kaga imaada dhanka Golaha amaanka Qaramada Midoobay, Hayeeshe Qoraalka Wakaaladda waxaa lagu sheegay in QM midoobay ay heshay Macluumad dhameystiran oo ku aadan dhanka Hubka
Qoraalka Wakaaladda kusoo baxay ayaa sidoo kale lagu sheegay in Bishii lasoo dhaafay ciidamada ilaalada xeebaha dalka Yemen iyo ciidamada badda Mareykanka ayaa qabtay gantaalo iyo sawaariiq oo xukuumada Sanca ay sheegtay in laga soo diray dalka Iran, taasoo Golaha amaanka Qaramada Midoobay ay ku sheegtay inay afka ka qabsan weysay islamarkaana ay soo bandhigtay Macluumaadka oo dhameystiran .
Si kastaba ha ahaatee Maamulka Wakaaladda Reuters ayaa sheegay in Macluumaadkaasi ay kasoo xigteen diblumasiyiin ka tirsan Golaha ammaanka
Fakarkaaga ka dhiibo
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

When I first saw this title Alshabaab oo la ogaaday halka Hubka iyo taageeraha ay ka helaan. | Warar Xaqiiqo ah on google I just whent and bookmark it. Simply wanna say that this is very beneficial , Thanks for taking your time to write this.
haaaaaaaaa waa sax waxaa ka danbeya buburka wadankena yuhuda iyo nasarada calamka aloo jabi cadawgaga muslimiintana ugagaar