HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO


Waxaa la daabacay: Sunday, February 24, 2013 - 07:51:34
Waxaa la aqristay: 323 Jeer.

Alshabaab oo ka hadlay Dagaalkii shalay ka dhacay Magaaladda Kismaayo

Waxaa Qoray:

fdfdfd
 
Sheikh C/raxmaan Xudeyfi oo ah wakiilka AlShabaab ee u qaabilsan Gobalada Jubbooyinka oo la hadlaayay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya ay ku fashilmeen sugidda ammaanka Magaaladda Kismaayo waxa uuna Tilmaamay in amaanka Kismaayo uu yahay mid aan la garan karin halka uu salka dhigan karo.
 
Sheekh C/raxmaan Xudeyfi  waxa uu intaa ku daray in Ciidamadda Alshabaab ay siyaabo kala duwan ugu Sugan yihiin Gudaha Magaaladda Kismaayo isaga oona sheegay in Xiliga alshabaab ee sugida amaanka Kismaayo aan wali lagaarin.
 
Dhanka kale Wakiilka Alshabaab ee Gobalada Jubbooyinka waxa uu sheegay in dagaalka Kismaayo uu ka dambeeyay kadib markii ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda ay ku fashilmeen xaqiijinta ammaanka Magaaladaasi, isaga oona arintaasi ku eedeeyay Xukuumadda Somalia oo aan iska xil-saarin amaanka Shacabka Kismaayo.

Si kastaba ha ahaatee Sheekh C/raxmaan Xudeyfi  ayaa sheegay in Dagaalkaasi uu Khasaaro ka soo gaaray Shacabka Magaalada Kismaayo maadaama sida uu tilmaamay shacabka Kismaayo ay nabad ku seexan jireen

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale