1: Thursday, January 3, 2013 - 17:59:11
2: 1,413 Jeer.

Allahu Akbar: xidiga Arsenal Abou Diaby oo xifdiyay Qur’aanka Kariimka

Waxaa Qoray:

diaby
Mid ka mid ah xidigaha kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramaya in uu ka faa ‘iday mudo uu dhaawac ku maqnaa uuna xifdiyay 19 jus oo ka mid ah qur’aanka kariimka ah.

Sida ay baahisay majalada Ribalka Online oo ka soo baxda dalka ugu musliiminta badan aduunka ee Indonesia laacibka muslimka ah ee wadanka France ayaa maalmihii uu dhaawaca ahaa xafiday 19 jus oo qur’aanka ah.

Arinta 27 jirkaan ayaa run noqotay markii shiikha caanka ah ee Muhammad binu Adam uu Twitter-ka soo dhigay sawir isaga iyo xidiga Arsenal Abou Diaby ay wada galeen iyagoo sugayaa salad cisho ah waxaana uu sheegay Shiikhaas in uu ku faraxsan yahay in laacibkaan xafido qur’aanka .

Arintan ayey dad badan oo muslimiin ah aad ugu farxeen waxaana xidigaan uu wali kooxdiisa uga maqan yahay dhaawaca.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed
















Log in | Designed by Jimcale