HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO


Waxaa la daabacay: Wednesday, January 30, 2013 - 09:46:12
Waxaa la aqristay: 218 Jeer.

Al-Shabaab’’Weerarkii shalay waa mid dhoolatus u ah Xukuumadda” (Warbixin)

Waxaa Qoray:

uuiiuu

Ururka Alqacidada Somalia ee Alshabaab ayaa shaaca ka qaaday inay ku howlan yihiin Qaraxyo ka dhan ah Xukuumadda Somalia, waxa ayna sheegen in Qaraxyadaasi ay la beegsan doonaan Xarumaha muhiimka u ah Xukuumadda

C/casiis Abuu Muscab  Afhayeenka dhanka dagaalada ee Al-Qacidada Somalia oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Qaraxii shalay ka dhacay dhanka Dowladda uu ahaa mid dhoolatus ah waxa uuna sheegay in xiligaani ay ku howlan yihiin Qaraxyo noocaasi ah oo uu Afhayeenka ku sheegay inay ka geesan doonaan Xarumaha muhiimka u ah Dowladda.

C/casiis Abuu Muscab waxa uu dhanka kale sheegay in Al-shabaab aysan ka bixin Magaaladda Muqdisho iyo Deeganada ku xeen-daaban waxa uuna arintaasi ku tilmaamay inay tahay ‘’Taktiik’’ ama nidaam cusub oo ay ku doonayan inay kula dagaalama Dowladda iyo AMISOM, Sida uu hadalka u dhigay

Si kastaba ha ahaatee hadalka C/casiis Abuu Muscab ayaa imaanaya xili Al-shabaab ay adeegsadeen Askari katirsanaan jiray Dowladda hayeeshe Askarigaasi uu ku fashilmay ahmiyadiisii ahayd fulinta qarax lagu guuleystay

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale