Waxaa la aqristay: 209 Jeer.
Al-Shabaab oo war ka soo saaray ka bixitaankii Magaalada Jowhar
Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farax "Raafac"
Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa war ka soo saaray ka bixitaankii magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha dhexe halkaas oo ay shalay isaga bexeen Ciidamadooda, islamarkaana ay la wareegeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
War qoraal ah oo ay soo dhigeen Al-Shabaab barta ay ka Isticmaalaan Internetka ee Twitter-ka ayey ku sheegeen in ka bixitaanka magaalada Jowhar ay ka bexeen Ciidamadoodu ay tahay xeerad dagaal islamarkaana ay dib ugu soo laaban doonaan.
Al-Shabaab waxa ay qoraalkaas ku sheegeen in Ciidamadoodu aysan ka dheereyn degmada Jowhar oo ay ku sugan yihiin meel duleedka ka ah magaalooyinka Jowhar iyo Mahadaay ee gobolka Shabeelaha dhexe.
Qoraalkaas sidoo kale waxa ay ku shaaciyeen Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab inay qaraxyo waaweyn ka fuliyeen shalay magaalada Jowhar, islamarkaana ay halkaa ku dileen Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo aysan tiradooda shaacin.
Warkaas qoraalka ah ee la soo dhigay bogga internet-ka ay ku leeyihiin Al-Shabaab ayaa ugu dambeyn lagu sheegay in dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ay dib u qabsan doonaan guud ahaan deegaannada ka maqan gacantooda ayna ka saari doonaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo ay sheegeen inay duullaan ku soo qaadeen.
Waxaa qoray
Haaruun Khasaaro
Fakarkaaga ka dhiibo
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Alshabab maxay sidii ciyaalkii ugu hadlaan horta waxy ku leeyihiin xeelad dagaal ban ka wadanaa meshii laga saaraba mugdisho kismayo marka baydhabo beledwyn xudur jowhr waxzoo dha ma xeelad baa nacad rabi idin ku dhacday xaaran xaarn dhashy kuwa wax qarxinaya waa wacaldii kuunfur lagu dhalay oo xaaranta ku dhashy viva puntland and somaliland