Waxaa la aqristay: 114 Jeer.
Al-Qacidada Somalia oo ku hanjabtay inay bur-burin doonto Ciidamada Jabouti.
Waxaa Qoray: Naciimo M. Abdi
Al-Qacidada Somalia ee Alshabaab ayaa shaaca ka qaaday inay cagta marin doonto Ciidamada Dalka Djibouti eek u sugan duleedka Magaalada Beladweyne ee Gobalka Hiiraan
Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab Afhayeenka dhanka dagaalada ee Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay inay wadaan Qorsho ay ku ciribtiri doonaan Ciidamada Jibouti ee iminka fariisimo ka sameystay Beledweyne waxa uuna sheegay inay wadaan habkii ay kula dagaalami lahaayen
Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa dhanka kale xusay in Ciidamada Jibouti ay kala daad sanyihiin waxa uuna tibaaxay inay kaga faa’iideysan doonan mudooyinka soo socda
Si kastaba ha ahaatee Abuu Muscab ayaa guulo ka sheegtay dagaal ay dhawaan la galeen Ciidamada Jabouti waxa uuna sheegay inay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah ciidamada Jabuuti oo uu sheegay inay dalka kusoo duuleen
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
