1: Thursday, December 6, 2012 - 09:16:19
2: 222 Jeer.

Al fanaan Axmed Heybe oo Saakay lagu aasayo Muqdisho

Waxaa Qoray:


Waxaa xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho fanaankii weynaa ee Axmed Heybe Caraale oo saacado kooban ku xanuunsanaa magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia.

Allaha unaxariistee Axmed Heybe ayaa la sheegay in maanta lagu aasi doono fagaaraha Iskool boliisyo iyadoona qaban qaabo lagu aasayo ay iminka ka socoto halkaasi.

Maareeyaha Tiyaatarka qaranka Somaliya Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf ayaa waxa uu sheegay in maanta marxuumka ku aasi doonaan qabuuro kuyaalla Iskool boliisiyo halkaas oo dad badan oo fanaaniin iyo dad magac lehba ay ku duugan yihiin.

Cabdi Dhuux waxa uu si kooban uga sheekeeyey taariikh nololeedkii Axmed Heybe isagoo sheegay inuu si wanaagsan ugaranaya ahaana nin aad ugu fir fircoonaa howsha loo dhiibo sida uu sheegay abwaanka.

Allaha unaxariistee Axmed Heybe Caraale ayaa todobaatameeyadii ku biiray Hobollada waaberi kaasi oo ka tagay xaas iyo 7 caruur ah seddex gabdhood iyo afar wiil waxaana alle looga baryey in janadii farsowso uu ka waraabiyo.

Axmed Heybe Caraale ayaa lagu xasuustaa inuu ka hor qaadi jiray madaxda dawladii siyaad barre heesihii maalmihii xoriyada sida 26-ka june iyo 1 luuliyo taayoo la sheegay in si weyn ugu luuq macaanaa sida abwaan Cabdi dhuux uu sheegay.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale