HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO


Waxaa la daabacay: Sunday, February 24, 2013 - 18:44:28
Waxaa la aqristay: 1,375 Jeer.

(AKHRISO 11-ka). Magacyada Siyaasiyiinta,Saraakiisha Somalia oo ay shacabka soomaaliyeed ugu jecelyihiin

Waxaa Qoray:

 

Daraaso ay sameeyen maamulka Xafiiska Shabakadda Caalamiga Soomaalidamaanta ee Magaaladda Muqdisho, oo ka shanaaya Masuuliyiin iyo Shcab ku nool Gudaha Magaaladda Muqdisho ayee waxa ay ku ogaaden Masuuliyiinta Dowladda Somalia oo ay ugu jecel yihiin Shacabka Soomaaliyeed.

Xafiiska Soomaalidamaanta ee Magaaladda Muqdisho oo ka shanaaya Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somalia iyo Aqoonyahaano ayaa waxaa u suura gashay inay soo bandhigaan Liiska Siyaasiyiinta,Saraakiisha ay ugu jecelyihiin Shacabka waxa uuna kala yahay:-

1- Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud: 21-sano ka dib markii shacabka soomaaliyeed ay dareemen dhibaatooyinka waxa ay si kal iyo laab ah u jecleysteen Xassan Sheikh Maxamuud si ay u dhowran Qaranka.

2-Maxamed Cismaan Jawaari: Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia oo kaalin ka qaatay xalinta dhibaatooyinka Somalia haystay 21-sano isaga oona qaanuun wax ku’ool ah u sameeyay Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia oo lawada ogaa waxyaabaha ay ku kici jireen waxaana iminka sharaftaasi leh Maxamed Cismaan Jawaari alle ka sukoow

3- Mohamud Ahmed Nuur Tarsan:- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaaladda, Reer Muqdisho oo 21-sano ka dib arkay Wadooyinka Magaaladda Muqdisho oo la tartameyso Caasimadaha Caalamka taasoo keentay inay qalbiga u furaan Mudane Tarsan.

4- Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan: Wasiirada arimaha Dibadda Somalia waxa ay hir galisay hanaanka somalia iyo Siyaasadda caalamka iyada oo suuragalisay in Somalia ay wax la qeybsato caalamka intiisa kale. 

5- Gen: Xasan Maxamed Xusein oo loo yaqaano (Mungaab): Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida, dadka oo kar karay 21-sano islamarkaana dhibaatooyin kala kulmay Ciidamadda Dowladda ayaa waxaa Ciidamadaasi Xakameeyay Guddoomiyaha Maxkamadda Mungaab taasi oo soo dadajisay in Shacabka ay ku amaanan libintiisa.

6- Khaliif Axmed Ereg: Taliyaha Hay’adda Nabadsugida Gobalka Banaadir, waxa uu har iyo habeen waqtigiisa ku lumiyay baadi goobka Kooxaha lidka ku ah amaanka Magaaladda Muqdisho waxa ayna sababtay in Shacabka ay taageeran waxqabadkiisa.

7- C/qaadir Maxamed Nuur Siidii: Gudoomiyaha Shabeelaha Hoose: oo lagu amaanay inuu hakiye Dhibaatooyinka Reer Muqdisho kaga imaan jiray dhanka Sh/Hoose waxa uuna buuxiyay booska Masuuliyiinta Dowladda ay ku jeclaaden Shacabka.

8- C/laahi Ciilmooge Xirsi: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada,Isgaarsiinta Somalia waxa uu ka shaqeeyay kaalinta Somalia iyo hirgalinta Xuquuqda Suxufiyiinta isaga oona mar waliba dareema laxawga ama xanuunka lala beegsanaayo Suxufiyiinta waxa ayna taasi keentay in shacabka ay ku jeclaadan ka shaqeynta ama garabsiinta Suxufiyiinta.

9- Muxudiin Maxamed Kaalmooy Wasiirka Wasaaradda Howlaha iyo dib u dhiska Somalia, oo kaalin lixaad leh ka geestay bilicda mudooyinkaani kusoo korortay Magaaladda Muqdisho. maadaama shacabku ay la il-daran yihiin dhibaatooyinka dalka ku habsaday mudadii 21-sano ee burburka sababay.

10- Gen Ismaaciil Saxardiid: Taliyaha ciidamada dowlada Soomaaliya ee gobolada Jubbooyinka oo isaguna Sumcad ku dhex leh bulshada islamarkaana Ciidamadda uu hogaaminaayo mar waliba gaaran Guul la taabankaro iyaga oona la wareego dhulal baaxad weyn markaasi.

11- Jeneral Cabdikariin Yusuf Aadan Dhaga badan: Abaan duulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo aan laga sheekeyn karin Dadaalkiisa ku aadan nabadda iyo soo celinta amaanka waxaana xusid mudan in Shacabka soomaaliyeed ay aad u jecelyihiin waxa ayna ku xasuustaan Bur-burinta Xarumaha iyo saldhigyada Alshabaab ee Magaaladda Muqdisho.

 

Fakarkaaga ka dhiibo

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

13 Comments for “(AKHRISO 11-ka). Magacyada Siyaasiyiinta,Saraakiisha Somalia oo ay shacabka soomaaliyeed ugu jecelyihiin”

  1. cabdi.mxamed shire

    somalida manta waxaa kaseysaan malahan runta mashegtaan qabyalad cml aaway reysul wasarihii aaway wasiirkii arimaha gudaha waalabo mas uul oo aad ushaqeeya viva somalia viva shacabka viva madx weyne xasan sheekh

  2. Xog Ogaal

    Waa Sax badanaaa lkn SIIDII waaa lagu qaldamay maba ahan muwaadin U taagan samata bixinta umadda waa ninkii ku faaanay inuu La socday xasuuqii Buula mareer Halka madaxweynaha dalka ugu sarreeyo, Ra’iisul wasaaaraha, wasiirka gudaha, wasiirka gaashaan dhiga ay dhamaaan sheegeen iney la socon waxa uu faransiisku sameeyay ayna dhaleeceeyeen Bulshada cidaacad laga hadlo ayey waxqabad moodaaa xaqiiqada SIIDII Waaa Hogaaamiye kooxeed

  3. C.fitaax c/lahi B/weyn

    War waa sax inbadan lakin labo qof ayaa lagatagay sida 1 farmaajo 2 oo kuwahada shaqeyo horayne uso shaqeyse 2 Drs maryan qaasin

  4. Geeskaag

    Asc, maxuma lkn run ahaantii 1 farmjo 2 waa dhega badan 3 waa tarzan 4 jawaari etc .lkn maxaad u ilowdeen wasika gaashaan dhiga mr c/xakin fiqi . Fowziyo xagee dadku ku jeclaaday shalay bay hargaysa katimiye alaa kariim . Bal mar 2 aad si cilmiyaysan ugu laabta error baa hada ku jiree xaqiqadana haka bodinina.

  5. ibrahom

    asc duqa maalmahan waasoo dabcay midhaa balan qaad ayaa loosuubiyay ama uga yaraan waaloodaadiyay mr amiin

  6. Wa jecelow

    Maxa rasilwasaraha maxa loga rebay maxa wax qabt ma lahan miya war afara qabilka daya wa waxa e somalia nabad u gari la adahay rasilwazaraha ju.u.u

  7. kamas

    sxb waxaan waxaa sooqoray dad dowlada kujira dadkaan aad kahadlaysaab waakuwo kuwada jira dowlada waxaayna kusoo bexeen siyaasada somalia shalay marka waxaas wax jira maahan

  8. liibaan xuseen in norway

    asc marka hore, soomaaliyeey waxaan idiin weeydiinaa qilaafka maad iska dhaaftaan?? Dalka taga oo soo indha indheeya waxa ka jira iyo wixii is bedelay 21sano kadib, badanaaba soomaalida iyagoo yurub ama mareeykan jooga oo computero guryaaha dhigtay calooshii ka horeeysa markaas buu wuxuu doono ku hadlaa hebel waa reer koonfur hebel waa saas mida ugu horeeysa iska dhaaf qaab qabiiled waa hadii aad rabtid inaad noqotid muwaadin dhab ah oo u kala soocneeyn soomaalida,,,,, maxaan iraahdaa soomali land puntland iyo muqdishaba dhamaantood soomaali baaa ku nool,, hadii soomali land iyo puntland eey ka jirto nabad iyo horumar baaxad leh, muqdishana eey dhibaato xun ka jirto maad u duceeysid allana ugu baryid in cadoowga ilaah ka qabto umada soomaaliyeed,,, aniga dalaka waxaa iguugu danbeeysay 2000;;; hada waxaan ku dhex suganahay maagalada muqdisho gudaheeda gaar ahaan degmada kaaraan xaafada jabuuti,,, markii aan norway kasoo tagaayey waxaa ii qorsheeysneeyd inaan xamar joogo muddo bil ah,,, laakiin hada waxaa ii sii dhamaaneeysa bishii shanaad, marka sababta aan u kordhiyey joogitaankeeyga waxeey ku tuseeysaa in magaalada isbedel weeyn ka dhacay gaba gabadii waan idiin salaamaa walaalaheeyga soomaaliyeed ee muslimka iyo christankaba wabillaahi toowfiiq wasalaamu caleeykum waraxmatullaahi tacaalaa wabara kaatuhu wcs wr tc wb habeen wanaagsan baan idiin leeyahay byyyyyyyyyyyyyyyyyyyyy

  9. Warsame

    Kkk kuwan waxa qiimeeyey HALKAY KU ILAAWEEN RASAL WASAARIHII WADANKA IYO MADAX WAYNAHA PUTLAN MR faroole ragan waxa qiimeeyey waxay inoo sheegeen waxa waynbaa ka siya

  10. fooz

    saraakiisha dhan intii naftooda u hirtay al shayaadiin

  11. geesey

    asc all somali waxaan maqalnay qaarbaa dadka cuna

  12. mahad abdi somali ugaaskeed

    waa axaqiraad 1 waxaa u qalmayay amaan duulahha ciidan sppmaliyeed xaq mahaa genraal dhag badan oo k axoreeyay wadanka alshabbab a

  13. amiinkey

    ASWR, WAXAA MAHAD LEH ALLLAHA SW,.Waxan halkaan mahad gaar ah u celinayaa Madaxda soomalida maanta ,Run ahaantii waad asiibteen INTA LA JECELYAHAY ,BALSE KALA Daran ayagaba .Jen Cabdikariin yusuf dhagabadan iyo khaliif axmed ereg, iyo Hasan maxamed xuseen mugaanbi, iyo Gabadha an ka dhicin ee fowsiyo Yusuf xaaji Yanan ka tagin aqilka weyn Maxamuud axmed nuur tarsan ,waxaan dhihilahaa intakalana waad dadasheene siiwada ajir iyo xaso ,mashalaah ,,

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale